|

Macalin u xirnaa Xukuumada Jabuuti oo ku geeriyooday xabsiga Gabood

Jabuuti Aug 31,2013(SDN)-Waxa Xabsiga Gabood ee Jabuuti ku geeriyooday mid ka mida dadkii ay xukuumada Jabuuti xabsiga u dhigtay in ay taageeraan mucaaridka dalka ee saluuga ka muujiyay hogaanka siyasadeed ee dalka.

Marxuumka oo ahaa Proff dhiga luuqada Faransiiska ayaa bishan 28 keedii u geeriyooday jirdil ay u geysteen ilaalada xabsiga gabood.

Sidaana waxa shaaciyay xubno ka tirsan mucaaridka Jabuuti oo xaalada Marxuum Maxamuud Cusmaan Riyaale.

Mucaaridka Jabuuti iyo Qareenka Marxuumka ayaa sheegay in dhacdadani tahay mid loo gudbin doono maxkamadaha caalemiga ah.

Xukuumada Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ayaan ilaa iyo haatan ka hadal geerida marxuum Maxamuud Cusmaan Riyaaleh.

Marxuumkaoo da’adiisu tahay 37 jir ayaa dunida uga tegay xaasiyo afar caruur ah.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed