|

Saraakiil Soomaali ah oo tababar uga qaybgalay Kampala

Kampala 30.Aug 2013 (SDN)- Midowga Afrika ayaa maanta magaaladda Kambala ee dalka Uganda tabar ku saabsanaa horumarinta is-fahamka iyo u hoggaansanaanta sharciyada caalamiga ee bani’aadannimada ugu soo gabagabeeyay ku dhowaad 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Midowga-Afrika-Logo-300x225Tababarka oo ay fududeeyeen qeybta xaquuqul-insaanka ee xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee xaquuqul Insaanka OHCHR iyo ururka ICRC.

Aqoon iswaydaarsiga oo billowday 20-kii bishan Agusut ayaa saraakiishii ka qaybgashay waxaa la baray dhowrista dhibbanayaasha iyo dadka rayidka, sharciyada lagu dhaqmo xilliyada colaadaha, dhowrista maxaabiista dagaalka iyo qoddobo kale oo la xiriira xaquuqul Insaanka.

Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif ayaa mahadcelin u jeediyay qeybta arrimaha siyaasadda ee guddiga Midowga Afrika oo maalgeliyay tababarka, dowlada Ugandha oo martigelisay iyo xafiiska xalinta khilaafaadka ee Durban oo gacan ka geystay dhinaca qalabeynta.

Kampala SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed