Lacago Beer-abuur ah Oo Istaajiyey Ganacsigii Gobolka Sanaag, Noloshii Shacabka Oo Halis Ku jirta iyo Guddoomiyaha Baanka Somaliland Afka Ka Xidhay
Ceerigaabo: 30-Aug-2013-(SDN)-Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa diiday inuu jawaab cad ka bixiyo dhibaato laxaad leh oo shacabka Ku nool Gobolka Sanaag ay ku hayaan Lacago faalso ah oo lagu soo daabulay.
Shacabka reer sanaag oo isticaala lacagtii shilli soomaaligii hore ee Gobollada kale ee Somaliland laga beddelay, islamarkaana dhibaato dheeri ku qabay, ayaa imika waxa dhaqaalahoodii iyo noloshoodiiba hilifaha u laabay lacago been-abuur ah oo kaga iminaya Deegaanada puntland, iyadoo arrintaana ay dusha ka daawanayaan madaxda sare ee Baanka Somaliland.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo aanu wax ka weydiinnay qaylo-dhaanta baahsan ee ka imanaysa shacabka reer Sanaag, ayaa ka muquurtay inuu jawaab cad oo qancisa shacabkan dhaqaalahoodii iyo noloshoodii dagaalka lagu soo qaaday bixiyo, waxana uu shalay mar aanu isku daynay inaanu Telefoonka kula xidhiidhno cudur daar ka dhigtay inuu xanuun la jiifo gurigiisa.
Guddoomiyaha oo xanuun uu u jiifo sheegtay, ayaa haddana wariye ka tirsan shabakadda wararka ee Qurbejoog.comw uu ku arkay isagoo xafiiskiisa geliya, waxana ay arrintani waadixinaysaa inaanu Guddoomiyuhu diyaar u ahayn inuu wax ka qabto bililiqada shacabka lacagtooda lagu hayo, iyadoo markii horeba uu ka cago-jiidayey inuu hirgeliyo qiimayn ay xukuumaddu ugu dirtay sidii lacagtaas gabawday looga beddeli lahaa Gobolka Sanaag.
Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi oo ah nin qurbaha muddo badan ku maqnaa oo aan xaaladda nololeed ee dalka wax baddan kala soconin ayaan muujinin dhaqdhaqaaqyo badan oo shaqadiisa la xidhiidha marka laga reebo inuu socodsiiyo shaqada ka socota Gudaha Baananka kooban ee Somaliland ka shaqeeya, waxana uu dhawr goor ku guul darraystay inuu wax ka qabto sicir barar baahsan oo ku dhacay qiimaha lacagta Somaliland.
Sidoo kale intii uu joogay Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi Baanka Dhexe Meesha ka baxday kalsoonidii Ganacsatada madaxa bannaani ku qabtay Baanka dhexe, iyagoo haatan aan lacagtood ku aaminin inay dhigtaan, waxana ay inta badan lacagtooda dhigtaan Xawaaladaha iyo baananka kale ee gaarka loo leeyahay taas oo baanka ka dhigtay mid xukuumadda oo kaliya u furan oo aan wax shaqo oo kale aan qabanin.
Dhinaca kale lacagtan been-abuurka ah ee haatan soo gaadhay Gobolka Sanaag, khalkhalisay guud ahaanba dhaqdhaqaaqii ganacsi ee halkaas ka socday, waxana wararka Gobolkaas ka iminayaa ay sheegayaan inay jiraan dad maalmo ka hor tujaar ahaa oo aan maanta waxba gacanta ku haynin, ka dib markii lacagtii ay haysteen loogu beddelay mid been abuur ah.
Mid ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Gobolkaas oo Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay, ayaa sheegay inuu gobolku ku jiro jaah-wareer dhinaca ganacsiga ah, isagoo intaas ku daray hore loo joojiyey shatiga lacagta ah ee shanta boqol ee shilling(500), haatanna gonolka laga joojiyey isticmaalka kunka shilling ee soomaaliga ah(1000), taasina ay keentay inuu ganacsigiiba meesha ka baxo oo Gobolkaba lacag shaqaysa laga waayo.
Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta kala duwan ee Gobolkaas dawladda u jooga ayaan wali qaadin wax tallaabo ah oo arrintan aafada ah wax lagaga qabanayo, waxana la sheegayaa inay lug weyn ku leeyihiin soo gelitaanka lacagtan faalsada ah ee Gobolkaas.
Madaxda sare ee Baanka Somaliland ayaa laga sugayaa xalka ay ku furdaaminayaan dhibaatadan dhaqaale ee soo food-saartay dadweynaha Reer Sanaag, walise ma muuqato wax tallaabo ah oo qaadeen si ay arrintaas wax uga qabtaan.
Dhaliilaha xisbiga ucid way ka baxeen xadkii siyaasadda mar hadii ay ka baxeen wax mudan in laga jawaabo, waayo wax waliba asluub bay leeyihiin, berimageydaa jirta, waxoodiina waxa ay noqdeen shakhsi cay iyo shakhsi eedayn
Kama hadlaan wax mawaadiic ah oo lagala dodo oo looga jawaabo, markay sidaas noqotana annagu waanu ka xishoonay inaanu la yooyootanno.
Somalidiasporannews.com
Contact@somalidiasporanews.com