Dawlada Faransiiska oo si qeyaxan u cadeysay in ay weerareyso Syria
Paris Aug 30,2013(SDN)-Dawlada Faransiiska ayaa si cad markii uga horeysay u cadeysay in ay tilaabo ciidan ka qaadeyso xukuumada Bashar Al Asad ee lagu eedeeyay in ay hubka sun ah u isticmaashay weeraro ay ku qaaday goobo ay dad rayid ahi ku nool yihiin.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaan shaacin uun xiliga weerarku dhacayo balse cadeeyay in ay ciqaabi doonaan xukuumada Syria.
Madaxweynaha Faransiiska ayaan u baahneyn in uu ogolaasho weydiisto baalamaanka dalkaasi si uu tilaabo ciidan u qaado.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa hadaldani ay ka soo yeereen mar uu la kulmayay hogaamiyaha mucaaridka Syria Axmed al-jarba.
Dawlada Faransiiska ayaa ciidamo weerar ku qaadi kara Syria waxa ay u joogaan dalalka Imaraadka Carabta iyo dalka Jabuuti.
SDN-Paris
contact@somalidiasporanews.com