Wafti Ay Horkacayso Sarakaalad Sare Oo Ka Tirsan Hay?adda ACTION AID, SAYNAB MOHAMED HASAAN Oo Ay Ka Mid Yihiin Xildhibaano Ka Tirsan Gollaha Wakiiladda + Urrurada Bulshada Rayidka Ah, Oo Kampala Kula Kulmay Baarlamka Dalalka Uganda Iyo Kenya
Wafti Ay Horkacayso Sarakaalad
Sare Oo Ka Tirsan Hay?adda
ACTION AID, SAYNAB MOHAMED HASAAN Oo Ay Ka Mid Yihiin
Xildhibaano Ka Tirsan Gollaha
Wakiiladda + Urrurada
Bulshada Rayidka Ah, Oo
Kampala Kula Kulmay
Baarlamka Dalalka Uganda
Iyo Kenya
(KampalaSDN)Wafti ay
hogaaminayso Marwo Saynab
Maxamed Xasan oo ah Masuul sare
oo ka tirsan Hay?adda Samafalka ee
ACTION AID, oo ah madaxa qaybta
haweenka ee Hay?addaasi oo
hogaaminaysa wafti ay ka
yihiin Laba Xildhibaan oo ka tirsan
Gollaha Wakiiladda Somaliland
Axmedyaasiin Sheekh Cali
Ayaanle, Iyo Cabdiraxmaan Yuusuf
Cartan, Iyo Urrurada Bulshada
Rayidka ah oo ay ka ka mid ahyd Guddoomiyaha Dalladda Haweenka
Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh
Xasan, oo safar
shaqo ku joogay caasimadda dalka
Uganda ee Kampala ayaa shalay la
kulmay Kula Kulmay magaaladda
Kampala Baaralamaanada
Wadamadda Uganda Iyo Kenya.
Marwo Saynab Maxamed
Xasan, ayaa faafihin dheeraad
ah ka bixiso waxa uu daaran yahay
ujeeddadda socdaalka xubnaha
waftigan ay hogaaminaysaa iyo
waxa uga qabsoomay illaa hada iyo
masuuliyiinta ay la kulmeen iyo
waxa ka soo bixi kara
socdaalkoodan iyo qaababka looga
faaidaysan karo ayaa ku jawaabtay
oo tidhi,
?Haweenku waxay aad u doonayeen
in Kooto loo horgeliyo,
Baaralamaankuna wuu laallay,
anaguna waxaanu ka shaqaynaynay
sidii ay dumarku siyaasadda uga
qayb qaadan lahaayeen, markaa
waxaanu go aansanay in aanu
Baaralamaankii Somaliland iyo
dumarkiiba aanu halkan (Uganda)
keeno, si aanu eegno dariiqa ay
wadamadan horumaray ay u soo
mareen Kootada, Markaa Shalay
waxaanu la kulanay Baarlamaankii
dalka Uganda iyo Baarlamaankii
dalka Kenya oo iyaguna dalkan
Uganda yimi , markaa wax badan
ayaanu ka faa?iaysanay, markaa
Isha Allah, marka aanu imika dalkii
dib ugu noqono si fiican ayaanu
uga faaidaysan doonaa waayo
aragnimadda aanu ka helnay
socdaalkayagan??.
Mar ay ka ka jawaabaysay su aal
kale oo aanu waydiinay oo ahayd
waxa ay filayso inay ka soo bixi
doonaan socdaalkoodan waxa tidhi,Isha Allaahu, wax fiican ayaa ka
soo bixi doona, dumarkuna dib
ayay isu abaabuli doonaan,
waxaanay isku dayi doonaan inay
dib u soo raacaan dariiqooyinkii ay
wadamada kale raaceen, Sidoo kale
Baarlamaankuna dhinacooda waxay
doonayaaan inay ollole xoog leh ka
galaan, Sidoo kale waxa aanu
doonaynaa in aanu Baaralaamka
Somaliland baro sidii ay arrimaha
dumarka ugu dhego nuglaan
lahaayen??.
Waxa kale, waxay xubnaha
waftigani isla xalay ay kulan
ballaadhan kula yeesheen
Jaamacadda Caalamiga ah ee
Kampala International University
(KIU), dhamaan ardaydda
Somaliland ee wax barata
Jaamacadaha kala duwan eek u
yaalla dalka Uganda oo ay hor
kacayaan hogaanka daladda guud
ee Urrurka radaydda Somaliland ee
wax ka barata dalka Uganda oo uu
hormood u yahay Guddoomiyaha
dalladu Saleebaan Cabdiraxmaan
Xussen.
Kulankan oo ay ardaydu waftiga siiba labad xildhibana ay fareen in ay xukumada somaliland ka gaadhsiiyan risaalad ah inay uu bahn yihiin safiir iyo arimo dhowr ah xiiso badan fareen dhanka kale waxay suaalo aad u adka saxafada iyo ardaydu ku weydisay labad xildhibaan barlamaanka somaliland ka socda iyado aanu sida ugu dhaqsaha badan idinku soo gudbindoono ,kala socda shabakada caanka ah ee SDnews .
Suaalaha la weydiyey xildhibaanada waxa ka mid ahaa sida ay ka barlamaan ahan uu arkan madasha wada tashiga ee dhawaan siyaasiinta madaxa banaan iyo siyaasiinta mucaridka hi kaga dhawaaqen iyo sida ay uu arkaan barlamaan ahaan iyo suaalo kale oy ka mid aheyd inay iyaga iyo xukumaadi isku milmeen sulaalo badan ardaydu xukumaada uu fareen risaalad kala soco bulshada ku dhaqan dalka ugandha hadabo kala socda shabakada caanka ah SDN saacdaha soo socda !!!!
Wariye khadar bitijoor
khadarbitijoor@hotmail.com
+256791661106 ama 0791661106
OFFICE UGANDHA