Sawirada Socdaalkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Magaalada Boorama iyo Maanta
Hargaysa 29.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimada hargaysa kadib socdaal qaatay mudo laba cisho ah oo ay ku joogeen magaalada Boorama.
Weftiga uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo hor kacayay waxay magaalada boorama kaga qayb galeen Dufcadii 12aad ee ka qalin jebisa Jaamacada Camuud oo Tiradoodu dhamayd 415 arday waxaa kale oo uu maanta xadhiga ka jaray Mashaariic dhinaca Wadooyinka ah oo laga hirgaliyay magaalada Boorama iyo Xadhig ka jaris loo sameeyay Kuliyada Caafimaadka oo lagu soo Kordhiyay Jaamacada Camuud
Madaxweynuhu waxa kale oo uu maanta kullamo la yeeshay salaadiinta iyo madax dhaqameedka gobolka Awdal oo ay iska xog-waraysteen adkaynta nabad-gelyadda iyo horumarinta dalkaba, waxaanu madaxweynaha iyo weftigiisu kala kulmeen soo dhawayn balaadhan iyo niyad-samaan badan oo ay isku afgarteen qeybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Awdal.
Hargaysa SDN.
contact@somalidiasporanews.com