|

Xukuumadda oo soo dhoweysay heshiiskii Addis Ababa ee Dawlada Federaalka iyo Juba land

Muqdisho 29.Aug 2013 (SDN)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay, isla markaana ansixisay heshiiskii shalay ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Wasiirrada-888-300x199Golaha Wasiirrada ayaa heshiiska ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo soo afjaraysa is faham-la’aan u dhaxeysay dowladda iyo maamulka, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Afhayeenka ayaa xusay in uu Goluhu sidoo kale kulankiisii maanta ku ansixiyay qorshaha ciidanka booliska Soomaaliyeed lagu maamulayo afarta sano ee soo socota, kaasoo qeexaya kobcinta tirada iyo tayada ciidanka.

Kulanka wasiirrada waxaa shir-guddoominayay raysul wasaare Cabduqaadir Faarax Shirdoon.

Muqdisho SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed