|

Shir Kismaayo ka dhacay, iyo Ujeedooyinka uu daaranaa

Kismaayo 29.Aug 2013 (SDN)- Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay shir looga hadlaayo mustaqbalka Jubbooyinka iyo shirkii Addis Ababa ay ku yeesheen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda, oo ah halkii lagu doortay Axmed Madoobe waxaa looga hadlay sida laga yeelayo soo xulida labada golle ee fullinta iyo sharciyeenta, ee loo sameenaayo maamulka Jubba.

Shirkan waxaa ka hadlay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, kaasoo sheegay in uu soo dhaweenaayo heshiiska ka dhacay Addis Ababa.

Kulanka waxaa joogay ku dhawaad 400 oo qof,waxaana muddo bil ah loogu daray Axmed Madoobe in uu soo dhammeestiro maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa madasha, ku simaha Axmed Madoobe, Macalin Maxamed oo ahaa guddoomiyihiin shirka Jaamacadda.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay sida loo qaybsan karo maamulka Jubbaland, laga qaybgalin karo dadka sheeganaya madaxweynanimada.

Waxaa jirra qorshe sheegaya in nin uu adeer u yahay Barre Hiiraale in la dhigaayo ku-xigeenka Axmed Madoobe, waxaana la cuni doonaa Gen: Cabdilaahi Ismaacil Fartaag oo hadda ku xigeenka Axmed Madoobe.

Si kastaba, saakay ilaa galabta waxaa magaalada Kismaayo ka socday isku soo bax lagu soo dhaweenaayo shirka Addis Ababa, dadka ayaa watay boorar ay ku sawiran yihiin madaxweynaha Soomaaliya iyo Axmed Madoobe.

Kismaayo SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed