|

DAAWO Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista oo Shaaciyay Bilowga Duulimaadyada Shirkada Itoobiya iyo Hawlaha Madaarka Burco

Burco 29.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Axmed Dalal Faarax ayaa  shaaca ka qaaday in Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya Airline ay si toos ah uga bilaabi doonto madaarka Cigaal International duulimaadyadii ay ku iman jirtay Caasimada hargaysa 1 bisha September ee inagu soo foolka leh.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada duulista iyo Hawada Axmed Dalal Faarax waxa uu intaas ku daray inay horena  Shirkada East africa Airline ay Horeba diyaaradaheedu u bilaabeen duulimaadyadii ay ku imanayeen Garoonka Magaalada hargaysa kadib markii hawl dib u casriyayn ah lagu sameeyay.

Burco SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed