|

Luuqado Afka Soomaaigu ka mid yahay oo Google lagu Biiranayo

New York Aug 29,2013(SDN)-Adeega turjumaada ee boga Google ayaa shaacisay in ay soo bandhigi doonto luuqadaha Zulu,Hausa,Yoruba,Igbo iyo Soomaaliga dhawaan.

Google ayaa sheegtay in adeegan turjumaada luuqadahan Soomaaligu ku jiro ay qeyb ka noqon doonto qeybtooda Africa.

Google ayaa haatan baadi goobeysa dad tabaruc ku tijaabiya adeegan Afka Soomalaiga si loo hubiyo tayada turjumaada.

Google ayaa haatan xogta bogooda la dhigo ku turjunta in ka badan 71 luuqadood oo dunida looga hadlo.

Waxaase shirkadu haatan damacsan tahay in Luuqadahani Soomaaligu ku jiro ay qeyb ka noqdaan barnaamijkooda rejeda leh ee luuqadaha Africa iyada oo la adeegsanayo bulshada Google +.

SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed