|

Dawlada Masar oo Bilowday qabqabashada Ehelada Madaxada Ikhwaanka

Qahira Aug 29,2013(SDN)-Ciidamada dalka Masar ayaa haatan bilaabay in ay xabsiga dhigaan ehelada madaxda sare ee xisbiga ikhwaanka ee xooga looga tuuray talada dalkaas.

Ololahan u danbeeyay ee haatan ciidamadu qaadeen ayaa lagu soo qabqabtay ku-xigeenka madaxa Ikhwaanka Khairat el-Shater oo loo heysto dilka dad lagu hor laayay xarunta xisbigaasi.

Sidoo kale waxa isna horaantii todobaadkan la qabtay mwiil uu dhalay madaxa Ikhwaanka oo heysta dhalashada dalka Mareykanka.

Ma cada sababta ay police-ku xabsiga u dhigeen el-Sharaat inankiisan 23 jirka ah,waxaase ay saraakiisha ciidanku sheegeen in inanku sheegay in uu hayo qoraalo dhex maray abihii iyo madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Ciidamadu waxa kale oo ay xabsiga dhigeen nin ay xidid yihiin mid ka mida madaxda ikhwaanka Maxamed el Betagy.

Saciid Zeki Ciisa iyo laba nin oo kale ayaa police-ku ka qabteen magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ka dib kolkii lagu eedeeyay in ay wadaan falal ka dhan ah xukuumada KMG ah ee ciidamadu taageeraan.

Talaabadan ay ciidamadu ku qabqabanayaa cid walba oo xiriir dhaw la leh xisbiga ikhwaanka ayaa u muuqda qaar horudhac u ah in gebi ahaanba xisbigaasi siyaasada looga saaro.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed