Waftigii uu Hoggaaminayey wasiir warac-cadde Oo Maanta u Fadhiisanaya Shaqaaaqadii Caynaba ee Lagu Dilay Taliyihii Sirdoonka Gobolkaas
Caynaba:29-Aug-2013-(SDN)-Waftiga uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo in muddo ahba ku sugnaa Deegaanka Oog, ayaa maanta lagu wadaa inay u fadhiistaan tuxaan-bixinta shaqaaqo hore uga dhacday Degmada Caynaba oo lagu dilay Taliyihii sirdoonka Somaliland ee Gobolka Saraar.
Waftigan oo haatan uun ka soo faraxashay hoos u dhigidda dirirtii labada beelood ku dhex martay Tuulada God-heeli ee Gobolka Sanaag, ayaa wada-tashi dheer oo ay galeen ka dib waxa ay isla garteen inay galaan arrinta dilkii loo geystay Taliyihii sirdoonka Gobolkaa soo kooxo hubaysani ku dileen magaalada caynaba.
Wararka laga helayo waftigaas ayaa sheegaya inay maanta oo khamiis ah la kulmi doonaan wax-garadka dhinacyadii dilkaasi dhex maray, waxana la filayaa inay kulamadaas iyo tur-xaan bixintoodu qaadato muddo kale oo dheeri ah.
Wasiirka iyo waftigiisa ayaa guul ka gaadhay sidii loo joojin lahaa meeshana looga saari lahaa colaaddii labada beelood ku dhex martay Deegaanka Oog, waxana laga filayaa inay soo dhameeyaan arrintan ka taagaan deegaanka caynaba.
Dilka loo geystay taliyihii sirdoonka Somaliland ee Gobolka Saraar, ayaa dhacay xilligii uu wasiir Duur xilka hayey, waxana uu wasiirkaas hore ku guul-darraystay inuu soo qabto gacan-ku-dhiiglayaashii dilkaas geystay oo aan illaa iyo hadda gacanta lagu haynin, taas oo keentay in arrintu meel murugsan gasho.
Somalidiasporanews,com
Contact@somalidiasporanews.com