Dhacdo Naxdin leh:Wiil Lix Jira oo indhihii lagala Baxay
Beijing Aug 29,2013(SDN)-Wiil yar oo lix jira oo ku nool woqooyiga China ayaa haweeney ay kala baxday labada indhood xili uu marayay mid ka mida wadooyinka dalkaasi.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Linfen ee gobolaka Shanxi,police-ka magaaladaas ayaa saxaafada u sheegay in wiilka oo la yidhaahdo Guo Bin in haatan uu cisbitaalka ku jiro oo xaaladiisu ka soo reyneyso.
Police-ku waxa ay ka gaabsadeen sababta ay haweeneydaasi inanaka indhaha uga saartay,waxaase ay sheegeen in ay wadaan baaritaano.
Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in wiilka yar indhihiisii laga helay goobtii weerarku ka dhacay,taas oo meesha ka saareysa in ujeedada weerarku ahaa in indha wiilkan yar laga ganacsado.
Waalidka wiilkan oo ah dad danyar ah ayaa haatan waxa soo wejahday xaalad murugo leh,bacdamaa aanu ilmahani dib wax u arki doonin.
waxa aan ilaa hada lagaraneyn sababta ay ruuxan dumarka ahi sidan u sameysay,sidoo kalena waxaanan cadeeyn aalada ama qalabka ay u isticmaashay si ay indhaha uga saarto wiilkan.
Dalka China ayaa waxa haatan faraha ka baxay ka ganacsiga xubnaha biniaadamka oo marar sababa weeraro naxdin leh.
SDN-Beijing
contact@somalidiasporanews.com