Sheekh Ismaaciil Dheeg Oo La Sheegay Loo Doortay Hogaamiyaha Shuurada Xarakada Al -Islaax Somalia
Muqdihso:29-Aug-2013(SDN) -Wararka ka imanaya Shir maalmahanba uga soday Urur-diimeedka Al-islaax Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sheikh Ismaaciil Cabdi Hurre(ismaaciil dheeg) loogu magacabay Hogaanka Xisbigaas.
Sidoo kale waxa ay wararku intaas ku darayaan inay jiraan Rag kale oo xilal looga dhiibay shirkan ka socday Huteel City Palace ee Magaalada Muqdisho, waxana Maxamed Sheikh Axmed Maxamed (Maxamed Xaaji) loo doortay Kormeeraha guud ee Dhaq-dhaqaaqa, halka Sheikh Ismacil Cabdi Hurre (Ismacil Dheeg) isna loo Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Tashiga ama Shuurada ee cusub.
Sida Lagu baahiyey Barta Al-Shaahid ee ay Leeyihiin Ama Taageerta Islaamiyiinta Al-ISlaax Somalia, shirkan ayaa wali halkaas ka socda, iyadoo uu bilaabmay 25-kii bishan aynu ku jirno ee Augost, waxana wali lafo-gur lagu samaynayaa qaab-dhismeedka Ururka iyo sidii uu u noqon lahaa mid si cad u hawl gala oo ka midho dhaliya ujeeddooyinkii loo Aasaasay.
Sheekh Ismaaciil Dheeg oo aanu Isku Daynay in aanu la Xidhiidhno si aanu uga Xaqiijino Jiritaanka Warkan ayaanay Noo Suuragalin, mana jiraan warar kale oo madax bannaan oo shaaca ka qaaday in sheekha xil sare looga dhiibay Urur-diimeedkaas oo uu markii horeba xubin muhiim ah ka ahaa, iyadoo la ogaa kaalilntii muuqatay ee uu sheekhu ku lahaa shirarkii ururku badhtamihii sanadkii hore ku qabsaday Huteel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre ( Sheekh Ismaciil Dheeg) ayaa ka Mid ah Culimada Waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland si weyn uga Dhex Muuqda Hargeysam Waxaanu Imaam ka Yahay Masaajid ku Yaala Xero Awr, Sido Kale waxa uu leeyahay Madaariis Wax lagu barto, waxana uu Barnaamijyo diini ah ka galaa Tv-ga iyo Idaacadda dawladdu maamusho.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com