|

Fanka Somalidu wuxu ka bilaambay magalada Hargeysa , kuna kobcay magalada Muqdisho waxanu ku dhintay Qurbaha

Sidaan la wada soconaba, markii Somalia ay burburtay. Waxay dad badani aaminsanyihinn in wax walba ay burbureen kuwaaso uu ku jiro fanka iyo suugaanta.

Waxa waqtiga ka dhacay dalka dagaal sockeye dad badanina dibada ayay u qaxeen si ay naftooda ugu qaxaan meela nabadoon..

Markii ay Somalidu gashay dalalk Yurupta, Canada iyo America. Waxay markiiba bilaabeen inay ku heesaan heesahoodu ay yaqaaneen, waqtiyada aroosyada ama ay xafladuhuba jiraan. Markaasa qoladii musiga garaaci jireen waayeen dadkii ehelka u ahaa garaacitaanka heesaha. Waxa ay markaa bilaabeen inay ku garaacaan qalabka loo yaqaan “piano” ama organ kaasoo oo qof keliyi garaacayo.

Hadaba an idin xasuusiye marka laga hadlaaya Musica waxa loo kala saara sadex qaybood oo kala ah:

Classic music. Kaasi waa music ay qalabkoo dhami u dhan yihiin, sida Giitaarka, Kamanka, Durbaanka, Violiinka, Foorida, Saxsafoonka, Bateriga iyo qaarkale oo badan kuwaasoo ay garaacan badanaba kooxaha uu Qarankaasi leeyahay oo kale waxana heesaha garaaca dad badan. Dhinaca Somalia waxan ku soo qaadankara heesihii ay garaaci jireen hobalada waaberi sida heesta Baladweyne, maal maha qalooca uu qaado Hassan Adan Samatar , sida canabka beeraha Mohamed Ahmed iyo Magool iyo Sida Jawa geel uu qaado Mohamed Sulaiman Tubeec.

Pop Music. Waxay Yuruptu badana loo garaaca heesha ah qoob ka ciyaarka leh ay qaraacaan kooxo gaari. Somalia waxa kuwaa ka dhigan sida kooxdii la odhan jiray Shareero, Iftin iyo Durdur oo iyagu ku heesi jiray meelaha cawayska ah. Heesahoodi waxa ka mid aha doon ba marayso doonba marayso uu ku heesi jiray Abdilahi Zulfa.

DJ – Noocan music ah waa music la duubay oo u badan heesaha qoob kaciyaarka ah, kuwaasoo lagu isticmaalo meelaha loo yaqaan (Night Clubs) ama meelaha lagu caweeyo. Noocaasi koox uma baahna ee music duuban oo marba mid la saarayo. Noocani waa nooca marka imika somalidu qurbaha ku heesayaan ayay isticmaalan halkaan waxad ku arkaysa meel buuq ah dadku ciyaarayan qaarna ay saalada korayan.

Marka inta laga tago waxa layaab ah waxan ay Somalida qurbuhu imika isticmaalan ee ah “piano” ama organ keliya oo la garaacayo. Wali lama hayo xitaa kuwii sameyayna dheh oo meel ay Yurupta ama America qof musica garraca uu isticmaalo “piano” keliya.

Sidaad aragtaan Somalida Qurbaha ayaa bilaawday inay nooca music qofkeliye garaacayo ay iygu isticmaalaan. Hadaba sababta ay sidaa u sameyeen maxay tahay waxay leeyihiin markaad waydiiso, halkan koox dhan oo music garaacda laga heli mayo sidaasano kanoo keliya u garaacna. Haddii aan Somalia joogi lahayn koox dhan baa nala garaaci lahayd.

Iyadoo ay kuwii Qurbuhu sidaa u ogyihiin macnadarada uu leeyahay qalabkan keligii la garaacaya ayay hadana kuwii Somalia ama Somalilandba ku daydeen. Markaasay ku odhanayan waxa music garracay hebel.

Hadaba music fiicane heesaha macna, dhadhan iyo dareenbuu u yeela. Arrintaasi waxay keentay in heesihii danba oo dhami ay khasaaraan ama uu dhadhan keedu xumaado. Waayo music iyo heesuhu waa sida raashinka oo kale oo hadduu dhandhanku rashinku xumaado aadna wad nacaysa.

Iyadoo ay sidaa u qiima beeleen heesihi qurbaha . Ayay nasiib daro kuwii gudahana kaa qariban ku dayanayan markaasay ku odhanayan iyana qofkan oo keliya baa noo garaacaya iyagoo heli kara inta soo qof oo qalab kala duwan garaaca. Khaladka ayuu waliba Televisionnadii iyo Radiyihiiba ku sii caawinayan.

Hadaba, waxaynu odhan karaa heesahan imika waa “ khasab igu dhegayso”. Sababtaan sidaa u leeyahay waxa weeye dee horta marka hore fananka qaadaya imtixaan codka ah muu marin. Waxana heesta fananka garaacaya qof keliya oo piano haysta, durbaan male oo waxa aad maqalaysa uun (Baf baf baf baf baf), mana kala saari kartid codkii qofka iyo music…… walaahi marar badan baa intaan iska xidho, aan marka dhegaysta heesa Suudaan ah.

Waxan hadalkaygii kaga baxaya heesahan imika jira waa khasab igu dhegayso ,sida ay wax u socdaana waan fankii oo baaba’a meela caalamka kama jiraan habkan oo kale, music bafbaftaa haya oo cod dheer, iyo laxankii oo dha dhan belay. Waxan isleeyahay haday sidaa heesuhu ku socdaan waxa la gaadhi doona , goor dadku ay iskaba yareeyaan dhegaysiga heesaha noocaas ah.

Sidaasu fankii Qurbuhu ku qiima belay walibana uu la degay kuwii gudaha joogayna. Waxay ila tahay fanka waa waxa keliya ee quruun waliba ku faato, marka waxan odhan laha ha laga qabto dadkan fankii ku ciyaaraya.

Waxana la soo gaadhay meeshii fanka Somalidu ka asaasamay ee Hargeysa , waxa ka saran waajib inay markale heeshihi iyo fankiiba badbaadiyaan fankuna ku soo noqdo sidii barigii hore . Markaaso ay Kooxdii walaala Hargeysa hormoodka ka ahayd.

Qalinkii

Adan Jama Kahin

Tafatiraha Wargeyska Onkod news online.

Comments are closed