Liibiya oo Sheegtay inay Maxkamad soo Taagayso Bisha September Wiilkii Qadaafi ee Seif Al Islaam
Tripoli 28.Aug 2013 (SDN)- Dacwad soo oogayaasha dalka Liibiya ayaa sheegay in maxkamadaynta wiilkii Hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya ay bilaaban doonto bisha September ee soo socota.
Abdel Qader Radwan oo kamid ah dacwad soo oogayaasha dalka Liibiya ayaa u sheegay wariyayaasha in eedaymaha ka dhanka ah Seif Al Islam Qadaafi ay ku jiraan danbiyo uu ka galay shacabka intii aabihii awooda hayay iyo dilal toos ah oo uu dalkaasi ka gaystay intii uu socday kacdoonkii 2011 ee aabihiis xilka loogaga tuuray.
Dacwad soo oogaha ayaa intaasi ku daray in Maxkamadaynta Seif Al Islam ay ka furmi doonto 19 ka bisha Sebtember ee sanadka magaalada Tripoli ee caasimada dalka liibiya.
Madaxii hore ee waaxda sirdonka dowladii Mr Qadaafi Abdullah Al Senoussi iyo Baqdadi Al Maxmudi oo isna ahaa Raisul wasaarihii ugu danbeeyay ee xukuumadii Col: Qadaafi ayaa kamid ah dadka sidoo kale wajahaya dacwadaha ay dilalku ku jiraan ee loo maxkamadayn doono.
Seif Al Islam Qadaafi ayaa gacanta lagu soo dhigay dhamaadkii sanadkii 2011 kii xili uu ku dhuumaalaysanayay meel ku dhow xadka dalka Liibiya uu la wadaago wadanka Niger todobaad kadib markii la dilay aabihii Col. Qadaafi.
Tripoli SDN.