Waa Maxay Ujeedada uu daaranaa Kulan ay Wasiirka Deegaanka Somaliland la yeelatay Hay’adaha ka Hawl gala Daryeelka Deegaanka {DHAGAYSO}
Hargaysa 28.Aug 2013 (SDN) Wasiirka Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka ee Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa maanta Xafiiskeeda Caasimada Hargaysa Kulan kula yeelatay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Samo falka wadaniga ha ee ka shaqeeya dhinaca deegaanka .
Wasiirada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka oo halkaasi hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka Jeedisay ayaa Ku Nuux Nuuxsatay dhibaatooyinka ba’an ee Maanta lagu hayo Deegaanka sida dhuxulaysiga,Oodashada dhul daaqeenka oo keeni kara Nabaad Guur Waxaa kale oo ay Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare Tilmaantay Baahida loo qabo sidii hay’adaha ka hawl gala deegaanku ay Cududooda u midayn lahaayeen isla markaana ay qaadi lahaayeen Talaabooyin wax ku Ool ah iyadoo sheegtay inay daruuri tahay sidii wada shaqayn Mug lihi u dhex mari lahayd Wasaarada ay Mas’uulka ka tahay iyo Hay’adaha ka shaqeeya deegaanka.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso hadalka Wasiirada Deegaanka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Shugribandkulan.mp3″]
Hargaysa SDN.