Maxkamada Sare ee Ciidamada Somaliland oo Xukuno Xabsi daa’in iyo Toban Sanno u dhexeeya ku riday danbiilayaal
Hargaysa 28.Aug 2013 (SDN)- Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Dalkan JSL ayaa soo saartay xukuno kala duwan oo isugu jira Xabsi Daa’in iyo Tobn sanadood.
Nuqul ka mid ah xukunada ay maxkamdu soo saartay oo soo gaadhay Shabakada wararka Qurbejoog.com oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidanka qalabka sida Xasan Aadan Sugulle.
Fadhi ay yeelatay maxkamadu 27/Augost/2013 oo ku beegnayd maalintii salaasada ee shalay ayaa maxkamaddu waxay xabsi daa’im ku xukuntay Ex Ciidanka qaranka Axmed Hurre Faarax oo ku xukunaa Dil toogasho ah, kaasoo hore u dilay Marxuum Maxamed faarax Burle, maxkamaduna u adeegsatay qodobada 16-195 xeerka ciqaabta ciidamada iyo qodobada 484-491 ee xeerka ciqaabta guud.
xukunka labaad ee ay maxkamaddu soo saartay waxay 10 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay racfaanle Axmed Hurre Faarax iyadoo ay maxkamaddu u cuskatay qodobka 484-491 xeerka ciqabta guud iyo qodobka 71 ee xeerka ciqaabta guud.
xukunka sadexad ee ay maxkamddu soo saartay waxay 10 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Ex rcfaanle Ismaaciil jaamac yuusuf (Jiilaal) iyadoo u cuskatay qodobka 484 xeerka ciqabta guud iyo qodobka 71 xeerka ciqbta guud.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com