Dawladda Etiopia oo War Farxad leh Ka Soo Saartay shirkii Addis Asaba uga Socday Dhinacyada Soomaalida
Addis Asaba:28-Aug-2013-(SDN)-Dowlada Ethiopia ayaa markii ugu horaysay shaacisay in heshiis buuxa laga gaadhay wadahadaladii magaalada addis Ababa ku dhexmarayay DFS iyo maamulka Jubaland.
Wasiirka Arimaha Dibada Dr.Tedros ayaa shaaciyay in wadahadaladii lagu heshiiyay berrina ay dhici doonto munaasbadii lagu saxeexayay heshiiska.
‘‘Waxaan idiin hayaa war wanaagsan Juba iyo dowlada Somalia heshiis ayay ku gaadheen Addis Ababa, waa maalin weyn oo usoo hoyatay Somalia iyo guud ahaan gobolka. Berrina waa la saxeexi doonaa heshiiska,’’ ayuu yidhi wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom.
Dowlada Ethiopia ayaa guul ka gaadhay arrin ay wadamo badan iyo hay’ado caalami ah xalin waayeen, waana guul usoo hoyatay diblomaasiyada Ethiopia.
Heshiiskan la sheegayo inuu haatan dhex maray Jubaland iyo Dawladda Federalka Somalia oo aan wali la shaacin qodobada lagu heshiiyey, ayaa loo arkaa tallaabo loo qaaday dhinaca horumarka, maadaama oo ay labada dhinac xaaladoodu gaadhay inay gacmaha iskula tagaan oo dagaalamaan.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com