|

Xarunta Jaamacadda Lincoln University ku Leedahay Dalka Malaysia oo Qiime-dhimis 50% u Samaysay Ardayda Reer Somaliland

Hargeysa: 28-Aug-2013-(SDN) Munaasibad Ballaadhan oo  Jaamacada Lincoln university college ee xarumaha ku leh dalka kuna leh xarumaha Dalalka UK, US, Canada iyo Australia Gaar ahaan xarunteeda Malaysia Qiime-dhimis ugu samaynayso Ardayda Reer Somaliland ee Doonaysa inay waxbarashadooda sare (Undergraduate & Postgraduate) ayaa maalintii shalay lagu qabtay Huteel Mansoor ee Magaalada Hargeysa,

 

linkMunaasibaddan oo ay ka soo qayb galeen Ururka Ardayda Somaliland ee  Dalka Malaysia, Madax ka socotay Jaamacadda Lincoln Universit, Arday Reer Somaliland ah oo diyaar u ah inay arrintan ka faa’iidaystaan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badani, ayaa laga soo jeediyey Hadallo kala duwan.

Ururka Ardayda Reer Somaliland ee Malaysia oo Hawshan soo fududeeyey, ayaa sheegay inay Qiime dhimistaasi Gaadhaso ilaa 50%, iyagoo Ururkaasi  dedaal xoogan u galay sidii ay wadanka u keeni lahaayeen Jaamacado heer caalami ah si ay ardayda reer Somaliland uga faa’iidaystaan.

Waxa ugu horaynba xafladaas ka hadlay Guddoomiyaha Ardayda Somaliland ee wax ka barata Malaysia Shaafici Axmed Cali, waxaanu uga mahad naqay madaxda Jaamacada socdaalkooda ay kusoo mareen wadankeena Somaliland iyo qiime dhimsta ay u sameeyeen Ardayda reer Somaliland.

 

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu xusay muhiimada ay leedahay in Adigoo wadankaaga jooga aad si fudud ku xarayn karto Jaamacada, taasina ay tahay hawl ay soo fududeeyeen Ururku.

 

. Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacada Lincoln University College Dr Amiya ayaa isna erayo kooban kasoo jeediyay xaflada faahfaahin dheeradana ka bixiyay Jaamcaada iyo sidii ay ardayda reer Somaliland ugu suuro galin lahayd inay helaan waxbarasho ay ku qancaan.

 

waxa kale oo uu Gudoomiye ku xigeenku uga mahad celiyay ururka Ardayda Somaliland ee Malaysia dedaalka ay u galeen imaatinkoodii, isagoo intaana ku daray inuu aad ugu faraxsanyahay imaatinkiisa Somaliland ayna tahay wax lagu farxo inay socdaal kusoo maraan Somaliland.

Safarkan ay wadanka kusoo gaadheen maamulka sare ee jaamcada lincoln university college ayaa waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee jaamcad ajaanib ahi ay u ballan qaado Ardayda reer Somaliland ee rabta inay wax ka bartaan Malaysia inay u samayn doonaan qiime dhimis ilaa 50% ah.

ugu dambayntiina waxa faah-faahin dhamaystiran ardaydii madasha isugu timid u gudbiyay Mudane Murtaloa oo ah madaxa suuqgaynta caalamiga ah (International Marketing Manager) kaasi oo ay ardaydii tirada badnayd ee isugu timid xafladu su’aalo ku waydiinayeen.

Comments are closed