Geel lagu kala dhacay Deegaanka Kalshaale, Xukuumadda Oo Dhegaha ka Furaysatay
Qorulugud:28-Aug-2013(SDN) -Waxa xaalad colaadeed laga soo sheegayaa deegaanka Kalshaale oo hore Nabad-gelyo darro uga jirtay.
Xaaladdan nabad-gelyo darro ayaa ka dhalatay ka dib markii makhribnimadii maalinimadii Isniintii rag hubaysan oo ka jeeda Beesha Deegaanka Qorilugud ay Soo dhaceen Geel ay lahayd Beesha Deegaanka Buuhoodle oo hore ay xaaladi u dhex taallay.
Deegaankaas oo ah dhul-daaqsimeed duunyadu aad ugu dhaqanto, ayaa uu geelaas la kala dhacay ka abuuray xaalad ay ka dhalan karto Nabadgelyo darro ba’ani, waxan Guud ahaanba wararku sheegayaan in Degmada ku teedsan halka labada beelood iska galaan ayaa Geelii iyo Awrtiiba soo qixisay cabsi laga qabo in iyagana laga dhaco.
Sidoo kale waxa ay sheegayaan wararka ay Shabakadda wararka ee Qurbrjoog.com deegaankaas ka helayso inay Dadka ku nool deegaanka Kalshaale ee ka soo jeeda deegaanka Qorilugud ay ilaa xalay iyo shalay indhahoodu qabteen ciidan beeleed Aad u Hubaysan oo aaggaas si xoog leh u dhex qaadayey.
Guddoomiyaha Degmada Qorulugud Maxamed Jar-ku-naban oo isagoo ku sugan Deegaanka Muraayadda oo u dhexeeyey deegaanka Qorulugud iyo wadaamo-goo khadka Telefoonka noogu warramayey, ayaa sheegay inay dedaal ballaadhan ugu jiraan degmo ahaan sidii geelaas la dhacay loo soo celin lahaa, si aanay colaadi uga dhalanin Deegaankaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay raacdo u geli doonaan geelaas soo celintiisa, isagoo tilmaamay in geelaas haatan la dhacay loo haysto geel hore oo beesha Deegaanka Buuhoodle ay hore u dhacday.
Maleeshiyada geelan soo dhacay ayaa la sheegayaa inay geelaas fogeeyeen oo ay masaafad aad dheer la qabteen, walina cid xukuumadda iyo maamulka ka tirsan midkoodna uma dhaqaaqin, waxayse sheegayaan inay arrintaas tabaabulshaheedii ku jiraan.
Dadka Xoolo dhaqatada ah ee Deegaankaas Kalshaale deggen oo aanu qaarkood la xidhiidhnay ayaa sheegaya in Haddii aan xaaladda gacanta lagu qaban oo dawladda furdaamin ay halis ugu jiraan inuu dagaal qabsado oo khasaare dhaco, waxana ay sheegeen inay heegan ugu jiraan sidii ay nafahooda iyo maalkoodaba u difaaci lahaayeen.
Dhinaca kale waxa ay wararku sheegayaan inay ciidamada qaranka oo markii horeba ku sugnaa Meessha loo yaqaanno Hadh-la’da oo ku taalla meel u dhexaysa Degmada Qorilugud iyo Tuuladda Maygaagle, ayaa haatan qaarkood gaadheen meesha falku ka dhacay, walise lama sheegin wax tallaabo ah oo ay qaadeen.
Dhinaca Masuuliyiinta Ammaanka kuwa Gobolka Togdheer iyo kuwa caasimadda Hargeysa Jooga, gaar ahaan wasiir-ku-xigeenka Amniga oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin kadib markii uu qaban waayey telefoonkiisa gacanta.