Warbixinadii ay ka qoreen suxufiyinta Somalidu Dr. Mohamed Abdilahi iyo horumarkii uu ku talabsaday intii uu joogay
Marka hore waxan halkan ka salaamaya dhamaan akhristayasha maqaalkan meel kasta oo ay jooganba. Inta ka dib waxan jeclahay in aan in yar ka taabto marka hore waa kuma Dr. Mohamed Abdilahi Cumar.
Sidaad la socotaanba Dr. Mohamed wuxu ahaa mudda ku dhaw 3 sanno wasiirkii arrimaha Dibada ee Somaliland. Sida la sheego wuxu ku soo koray koonfurta Somaliya, waxa kaluu ahaa nin adaableh oo macaamil fiican. Dhinaca waxbarashada wuxu ku haysta cilmiga siyaasada iyo dhaqaalaha shahadad loo yaqaan (PHD) oo ah shahadada ugu sareysa ee laga qaato Jaamicadaha Aduunka.
Wuxu ka qaatay shahaadada Jamacadaha mid ka mid ah Jaamacadaha ugu caansan dalkan UK. Waxa kaloo uu ka yahay Bare ama Professor Jamacada loo yaqaan (London School of Economics), taaso noqonaysa Jamacada 3aad ee ugu caansan dalkan UK, marka laga reebo Jamacadaha kala ee Oxford iyo Cambridge University.
Anoo ku soo dhawaanaya mawduuca dhawaan iyo kal hore ayaa laba saxafi oo ka mid ah kuwa somalida ugu caansani ay aad wax uga qoreen tayada aqooneed uu leeyahay Wasiirkii hore ee Kharajiga Dr Mohamed Abdilahi iyo sida uu shaqadiisa ugu fiicnaaba. Waxa raga Suxufiyiintaa ee aadka uga faalooday waxa ka mida Tafatiraha (Wardheer News) oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka.
Hadaba wuxu aad wax uga qorey Dr. Mohamed , Tafatirahaasi , Markii uu shirku Turkigu sanadkii hore ka socday dalka Turkiga halkaso ergada Somaliya iyo kuwa Somaliland lagu dhexdexaadinayay. Faalo dheer uu u ku qoray wargeyska wuxu ku tilmaamay Dr. Mohamed nin ka aqoon sareeyo kana taya fiican raga kale ee ka socda wafdiga Somaliya. Waxanu isagu ku taliyay inay fiicnayd in ninka la horgeeyo rag uu ku jiro waa sidii hadalka u dhigaye Dr. Abdi wali oo ahaa Raysal Wasaarihii hore ee Somaliya iyo rag kale oo aqoon yahaan kaleba leh.
Sidoo kale sida aan ka soo xigtay barta uu wax ku qoro Saxafiga Yusuf Garaad oo isna arrinta shirka Turkiga aad uga hadlay. Waxa uu yidhi isna markii shirka la bilaabay waxa muuqanaysay inuu Dr. Mohamed ahaa nin isku kalsoon, diyaargarawleh, isla markaana garanayo wuxu odhanayo kuwaso ku tusaya tayada uu leeyahay Wasiirku. Mida kale, wasiirkan iyo dawladiisuba waxay ku dhiiradeen inay ka leexdaan dariiqi hore ee ay ku ka horeyayay iyaga samayn jireen , kaaso ahaa anaku cidna la hadli mayno.
Marka ay sida uga warameen saxafiyeenta badan ee somaliya kuwaaso qiray tayada uu laha wasiirka hore ee arrimaha dibada. Bal ana aan in yar idin xasuusiyo wixii u qabsoomay intuu uu jagada hayay :
Wuxu ahaa Wasiirkii u horeyay ee go’ansaday inuu ka leexdo siyasadii hore ee go’doonka ahayd taaso ahayd anaku cidna la hadli mayno. Laguna khasaaray 21 sane u danbeeyay.
Iyadoo horta Somaliland caalamkii u arkay dad jira oo arrimahooda si degan u sheeganaya, shirkii ugu horeyay ee London lagu qabtay dawlada Britain waxay Somaliland ugu dhawaaqday inay siin doonan lacag dhan 160,000 oo Gini.
Waxa shirka lagu goa’miyay in Somaliland iyo Somaliya u wada hadlaan sidii laba dal oo siman oo kale.
Waxa Hargeisa kal hore yimi wiig kaliya Safiiro lagu qadaray ila 16 Safiir oo ka kala yimi dalal kala duwan, halkaasoo uu ku qaabilay wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland.
Waxay Somaliland noqotay xarunta laga hago diyaaradaha Somaliland iyo Somaliya.
Markii ay ku talaabsatay Xukuumadan cusub maamul wanaaga iyo siyaasad dabacsan inakasto dadka arrinta si kale u arkaan , waxay taasi keentay in Dawlado ka mid ah Europta ay go’ansadaan in wixii waxtar ah in Somaliland toos loo siiyo meeshii barigii hore loo marin jirey Hay’daha.
Dawlada Ingriisku waxay go’an ku gaadhay in mucaawimada ay siiso magaca Somaliyeed 60% ay Somaliland toos loo siiyo inta dhiman ee ah %40 la siiyo Somaliya.
Waxay dhawr dawladood oo Europe ay go’ansadeen in ay Xafiis Hargeisa ka furtaan kuwaaso ay ka mid yihin UK, Denmark iyo qaarkale, inkastoo aanan wali xaqiijinkarin inay yimaadeen iyo inkale.
Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa qaybta loo yaqaan (Unicief). Markii ay aragtay dawlad wanaaga, nabadgelyada Somaliland iyo aqoonta bisil ee wasiirka arrimaha dibadu ula macaamilo Hay’daha caalamiga ah , ayay goo’an ku gaadheen inay ka furtan Hargeisa Xarunta maamulka Unicef ee Bariga Africa imika dhulkeedi la bixiyay.
Intii ay xukuumadani xukunka haysay waxa wanaagsanaaday cilaaqaadki Somaliland iyo Dawladaha Carabta. Waxad la socotaan in Madaxweyne iyo wafdi uu hogaaminaayo ay booqasho rasmi ah ku tageen dalalka Imaaradka iyo Kuwait halkaana maqaam aad u sareya lagu qaabilay. Wuxu cilaaqaadka cusubi keenay in ay labada dawladood ku deeqaan mucaawinooyin fara badan Somaliland sida ceelalal riigag ah oo dalka laga qoday wadanka iyo balaadhinta Madaarka Hargeisa iyo Berbera oo ay lacag dhan malaayin ku baxayso.
Waxay dhawaan isla 2012 bangiga Aduunku u aqoonsadeen Dekada Berbera inuu dhaqaalahedi ka u kacay oo ay ku talaabsatay horumar iyo mamul wanaag.
Waxa dhawr bilood ka hore lagu casuumay Wasiirka iyo wasiira kaleba dalka Imaaradka Carabta. Waxan halka ku qaabilay Wasiiral dawlaha dalka Imaaradka carabta, kaasoo ku qaabilay wasaarada Khaarajiga ee dalka. Nuxurka martiqaadku wuxu ahaa in labada wasiir ay ka wada hadlaan danta labada dal, iyo sidii ay Dawladu imaaradku ku maal gelin lahayd Somaliland isla markaana loo baladhin laha dekada Berbera .
Waxa kal hore yimi Hargeysa ku shiray urur goboleedka IGAD wasiiradooda xanaanada xoolaha ay ku jirto Somaliland. Taasina waxay cadaynaysa horumarka siyaasada arrimaha dibada ee dalka.
Waxa ku soo dhiiraday maal gelin badan oo dhinaca (Saliida ah), si ay lacag u galiyaan wadan aan la aqoonsanayn, waana runtii arrin aan dhib yarayn inshirkadii sida go’ansato. Inkastoo uu isna aad uga shaqeeyay Wasiirka Tmarta iyo macdana Engineer Huseein.
Hadaba sua’asha meesha taala waxa weeye, hadduu uu yahay Wasiirku nin sidaa shaqada ugu fiican maxa dawladu uga bedeshay shaqadii uu hayay. Arrinka waxan u kala saari kara dhawr qodob:
Marka hore waxad mooda in dadkii uu ictiraafkii ku dheeraday imikana marayo 23 sano. Taasi waxay keentay in wareerka ay arrinta ka qaadeen dartii ay moodaan inuu isagu keeni waayay ictiraafka. Ictiraafkana sidiisaba waxan isleeyahay waxa laga heli kara Somaliya iyo UN ee sakhsi kuma xidhna.
In loo bedelay arrintaa darted Wasiirka bal si ay dadku u moodaan in kan imandoona uu ku dhaami doono siyaasada arrimaha dibada. Taana waynu eegi, bal siday noqoto.
Ugu danbayntii, waxan kaga baxaya halkan in dadka aan tuso in wasiirkaa la bedelay uu ahaa abid wasiirki arrimaha dibada ee ugu tayada fiicna ee Somaliland soo mara. Inkastoo aad moodo in dad badan aanay arrimaha aan ka sheekeyay aanayba la socon. Laakiin aad moodo leeyihiin uun muxu ictiraaf u keeni waayay.
Taana sidaan hore u sheegay kuma xidhna isaga iyo midkala oona ee waxay ku xidhantahay marba siday arrinta Somaliya ka yeesho oo aan la socono iyaduna inuu mawqifkeedu arrinta ka soo horjeedo. Waxan halkan kaga baxaya bal wasiirkii tag ee bal hadaba caqabadihii hore imikaba way yaalaanee. Aragtidaydana umalayn mayo wuxu Wasiirka hore iyo kuwii ka horeyayba samayn kari waayeen in uu wasiir cusubi imika samayn karo.
Waad mahadsantihin
Adan Jama Kahin
Tafatiraha Wargeyska Onkod Online news
UK