|

Maamul Goboleedka Puntland oo dhaleeceeyay Shir Qaran oo Dawlada Soomaaliya Qabaneyso

Garoowe Aug 28,2013(SDN)-Dawlada Maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa dhaleeceysay shir dawlada Soomaaliya ay ku qabaneyso Muqdisho horaanta bisha ina soo heysa.

Shirka Aragtida 2016 u gudubka Dimuqraadiyada ayaa la qabanayaa ka hor shirka reer Yurub ee New Deal oo Brussels bartamaha bisha ina soo haysa.

Qoraalka ka soo baxay Puntlanad ayaa lagu sheegay in “Shirku yahay qorshe dahsoon oo dawlada dhexe oo lagu hagardaaminayo maamulada ka jira”.

Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa cilaaqaadkii ka goostay dawlada dhexe ee Muqdiho horaantii Bishan aynu ku jiro.

Puntland ayaa dawlada dhexe ku eedeysay in ay ka maagtay ku dhaqanka dastuurka dalka u yaal ee hore la isula qaatay.

SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed