|

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaaqay aasaaska Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed {DHAGAYSO}

Muqdisho 27.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo leh Xogheyn gaar ah oo dabagal ku sameysa fulinta go’aanadda Golaha Amniga Qaranka.

Xasan SH.MaxamudMadaxweynaha oo furitaankii shirkii ugu horreeyey maanta shir guddoominayey ayaa yir “ Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waa hay’adda ugu sareysa Qaranka oo dajineysa Siyaasadda iyo Istraatiijiyada Amniga Qaranka Soomaaliyeed si loo sugo amniga iyo xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso amniga rayidka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. “

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed, waxaana xubin ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiradda Gaashandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Maaliyadda, Arrimaha Dibedda iyo Garsoorka. Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga, Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta.

Golaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa usbuuciiba mar lagu wadaa inay kulmaan oo ay dejiyaan Istraatejiyada iyo siyaasadda Amniga Dalka. Xogheyntana laga sugayaa inay xiriirka iyo dhaqangelinta go’aanadda dabagal ku sameeyaan.

Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/XasanSheekh27.mp3″]
Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed