|

Golaha Wakiillada Somaliland oo Laba Cisho Oo Albaabadu U xidhnaayeen ka dib maanta laga Filayo inay Shacabka wax u sheegaan

Hargeysa:27-Aug-2013-(SDN)- Golaha wakiillada Somaliland ayaa labadii Maalmood ee Ugu dambeeyey ku jirey shirar hoose oo ay Albaabada isu soo xidheen,  iyagoo sheegay inay xaaladda Guud ahaan ee waddanka kaga hadlayaan.

caalinShirarkan hoose ee Goluhu ku jirey ayaa warar is khilaafsani ka soo baxayey, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan inay goobtaas  ay isu soo xidheen kaga hadlayeen guux hoose oo ka soo kordhay xildhibaannada Ka soo jeeda dhinaca xisbiga kulmiye oo lagu  eedaynayo inay Abaabulayaan mooshin ay hogaanka dalka kaga tuurayaan Guddoomiye Cirro oo intii Goluhu jireyba kursigaa ku fadhiyey.

Inkastoo aanay jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay shirkaas muddada socday oo Goluhu ku jiraan, haddana waxa maanta laga sugayaan inay wixii ay ka wada hadleen iyo wixii ay isla garteen ay u sheegeen shacabkii soo doortay oo u arka Golahan mid guuldarraystay oo laga waayey ama gabay wixii ay bulshadu ka sugaysay.

Arrimaha laga sugayo inay ka hadlaan Golahani ayaa waxa ka mid ah  tallaabooyinka habboon ee ay qaadi doonaan amaba waxyaabaha u qorshaysan gole ahaan inay ku tallaabsadaaan inta  wakhtiyada soo socda iyo waxa ay ka yeelayaan xaaladda Guud ee dalka oo doorashooyin badan ku soo socdaan, iyadoo doorashooyinkaasna wax badani ka dhiman yihiin.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa, ayaa haatan waxa ay ku jiraan sannadoodii sagaalaad, waxana lagu tilmaamaa golihii ugu itaalka iyo tayada xumaa ee Somaliland soo mara, mana jiraan illaa iyo hadda wax horumar ah oo ay dalka ku soo kordhiyeen, iyagoo dalka ku haya culays dhaqaale oo wayn maadaama ay mushahar farabadan oo aanu dalku qaadi Karin gacantooda iskugu qoray, islamarkaana xukuumaddan maanta jirta u fududeeya hadkab waxa ay doonayso.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa/Somaliland.

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed