Reer Galbeedka oo markii u horeysay muujiyay in ay dhici kareyso in tilaabo Ciidan ay ka qaadaan Xukuumada Syria
Washington Aug 27,2013(SDN)-Xoghayaha arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa shir jaraaid oo uu qabtay uga waramay sida Mareykanku u arko weerar dhawaan lagu qaaday duleedka magaalada Dimishiq oo uu sheegay in loo adeegsaday hub chemical ahaa.
Weerarkan ayaa waxa ka soo baxaya muuqaalo muujinaya in eedaasi ay dhab tahay oo goobtaas lagu gaaracay hubka qaada chemiclaiska.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa weerarkaas ku eedeeyay dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Bashar Al Asad.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Mareykanku ay dhawaan soo bandhigi doonaan cadeymo muujinaya in duleedka Dimishiq dhawr casho ka hor ay xukuumada Syria ku garaacday gantaalada chemicalska qaada.
Sidoo kalena waxa uu John Kerry iftiimiyay in madaxweyne Obama uu haatan ka fiirsanyo tilaabo ku haboon oo laga qaado xukuumada Bashar Al Asad.
Geesta kalena dawlada Jarmalka ayaa dhankeeda cadeysay in ay dhici kareyso in ay tilaabo ciidan ka qaado xukuumada Syria in shacabkeeda ay u isticmaashay chemicals.
Waxaanad mooda in reer Galbeedku haatan isu diyaarinayo in ay tilaabo ciidan ka qaadan xukuumada Syria ee uu hogaamiyo Bashar Al Asad.
Waxaana suurto gal ah in dawladaha China iyo Rushku aaney is hortaagi kareyn colaada isa soo tareysa ee Xukuumada Syria loo abaabulayo.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com