Wadahadaladii Falastiiniyiinta iyo Israel oo Shaki galay ka dib rabshado ka dhacay Daanta Galbeed
Ramala Aug 27,2013(SDN)-Sarkaal ka tirsan xukuumada Falastiin ayaa sheegay in ay haked geliyeen wadahadaladii u dhexeeyay iyaga iyo dawlada Israel ka dib kolkii ay ciidamada Israel hawlgalo ka fuliyiin Daanka Galbeed.
Sarkaalkan ayaa hadlay ka dib kolkii sadex ruux ay dileen tioro dad ahna xabsiga u tahaabeen ciidamada Israel oo hawlgal ka fuliyay Daanta Galbeed.
Wadahadaladan labada dhan dib ugu furmay bishiii hore ayaa ah kuwii u horeeyay ee labada dhan dhex mara mudo shan sanadood ah.
Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in wadahadaladu aaney hakan oo berito ay dib u furmayaan.
Falastiiniyiinta ayaa ku eedeeyay Isrel in ay qaaday tilaabooyin ay doonayaan in ay ku carqaladeeyaan wadahadalada.
Israel ayaa dib u bilowday dhismo hore loo joojiyay oo ay ka wadeen dhulka Falastiiniyiinta,sidoo kalena dib u bilaabay hawlgalo ciidan oo ay ka wadaan degaanada Falastiiniyiinta.
SDN-Ramala
contact@somalidiasporanews.com