Kooxda Qaramada Midoobey ee Baaritaanka ka wada Syria oo la rasaaseeyay
Dimishiq Aug 27,2013(SDN)-Kooxda Qaramada Midoobey ee baaritaanada colaadeed ka wada dalka Syria ayaa shalay mudo dheer ka dib loo ogolaaday in ay baaritaan ku sameeyaan goob dhawaan dad lagu laayay oo caasimada duleedkeeda ah.
Goobtan ayaa la aamin san yahay in lagu garaacay madaafiicda sunta qaada oo dad badan halkaa ku xasuuqay.
Kooxda baarida hubka sunta ah ee Syria ayaa maalmo ka dib xukuumada dalkaasi fasax u siisay in baaritaano ka sameyso goobo hore aan loogu cayimin.
Balse kolkii ay shalay isku deyeen in ay booqdaan goobahaa ayaa gawaaridooda rasaas ooda looga Qaaday.
Ma cada ilaa iyo haatan cida weerartay gawaaridii kolonyada aheyd ee QM oo qaar ka mid ahi ay dib ugu noqdeen xaruntoodii.
Hase yeeshee Qaar ka mida kormeereyaasha QM ayaa ay u suurto gashay in ay booqdaan goob dhawaan la shaaciyay in lagu garaacay gantaalo xanbaarsan sun.
Waxaana kormeereyaasha u suurto gashay in ay baaritaano ku sameeyaan dad ay waxyeelo ka soo gaadhay hub chemical ah.
Caalamka ayaa dhawaan si weyn walaac uga muujiyay xasuuqa chemical ka loo isticmaalayo ee ka socda dalka Syria.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com