|

Wiil Soomaali oo lagu helay denbi ah inuu Qarax ka fuliyo Mareykanka oo Raali Gelin Bixiyay

Portland Aug 26,2013(SDN)-Wiil Soomaali ah oo dhalashada Mareykanka heysta oo sanadii 2010kii Doonayay in uu qarax ka fuliyo magaalada Portland oo intii aanu qaraxa fulinin gacanta lagu dhigay ayaa daabacay qoraal uu raali gelin uga bixinayo qorshahaasi.

Qoraalkan oo ay dawlada u gudbiyeen Qareenada Maxamed Maxamuud ayaa waxa uu uga waramayaa sida dhalainta looga duwi dhabaha xagjirnimada.

Maxamed oo haatan ku jira xabsiga isla markaana ay maxkamadi ku heshay denbi argegixisnimo ayaa qoraalkan uga hadlay buugag uu sheegay in ay ka caawiyeen sidii uu dhabaha caadiga ah ugu soo noqon lahaa.

Buugaagta uu ilaa iyo haatan akhriyay waxa ka mid ah “The Grapes of Wrath” iyo buug uu qoray madaweyne Barack Obama oo la yidhaahdo “The Audacity of Hope”.

“Xusuusta maalintaa waxa ay igu dhalistaa muruga,shaleyto iyo naxdin faro badan,waan ka xumahay waana ka shalaayaa mana aha xabsiga aan ku jiro ee waa wadnaheyga oo murugoonaya awgeed.”ayaa qoraalka uu ku yiri Maxamed Maxamuud

Maxmed Maxamuud ayaa waxa la qabtay November 26 sanadii 2010kii kiyoo damacsanaa in uu qarxiyo xaflad lagu maamuusayay ciida Masiixiga oo ay goob joog ku ahaayeen kumaan ruux.

Walxaha qarxa ee uu damacsanaa in uu fal denbiyeedka u isticmaalo oo ay u diyaariyeen sirdoonka Mareykanka ayaa ahaa qaar been abuur ahaa.

Bishii kowaad ee sanadkana xeer beegti dhegeysatay dacwada lagu soo oogay Wiilkan Soomaaliga ah oo 22 jira ayaan rumeysay in FBIdu dabin u dhigtay.

Maxamed ayaa haatan sugaya in uu xukun,waxaana ay xeer ilaalinta Mareykanku doonayay in uu xabsiga ku jiro noloshiisa inta ka dhiman.

Balse Xeel ilaalinta ayaa sheegtay in ardeygan Jaamacada Oregon wax ka baranayay tixgelin dhanka mudada xabsiga loo sameeyo,waxaaney soo jeediyeen in mudo 40 sanandooda la xiro.

Qareenada Maxamed Maxamuud ayaa dhankooda dalbanaya in mudada xabsigu ka badnaanin toban sanadood.

Garr King oo ah Xaakimka dacwadan dhegesanaya aya alagu wadaa in uu rido goaanka mudada uu Maxamed ku qaadan doono xabsiga bisha soosocota ee September 6deeda.

SDN-Portland
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed