|

Wasiir waran-cadde iyo wax-garadka Beesha Sacad yoonis oo xalay jilbaha is daray iyo Nuxurka waxyaabihii laga wada hadlay

Oog:26-Aug-2013-(SDN)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin hoyga uu ka degen yahay Magaalada Oog ee Gobolka Sanaag kula yeeshay Odoyaasha iyo wax-garadka ka soo jeeda Beesha Sacad yoonis oo maalmahanba ka biyo diiddanayd hannaanka Nabadeed ee wasiirku ku hawllanaa.

gudahaKulankan oo ahaa mid Albaabadu u xidhnaayeen oo aan la ogolayn in lala socdo dhaqdhaqaaqiisa ayaa waxa ay sheegayaan warar hoose oo ay heshay shabakadda wararka ee Qurbejoog.com,  in lagaga Hadlay tabashooyin badan oo Beeshaas Sacad Yoonis ay si gaar ah u tirsanaysay.

Kulankan oo saacado badan qaatay, islamarkaana si aad ah la iskugu jafay, ayaa waxa ay beeshu wasiirka hor dhigtay waxa ay beel ahaan ku diiddan yihiin inay qaataan nabad xilli hore ah oo aan shuruudi ku xidhnayn, isagoo wasiirkuna la sheegay inuu wax badan ugu garaabay beesha.

Waxyaabaha ay Beeshu wasiirka hordhigtay waxa ka mid ahaa sida la sheegayo inay Beeshu si gaar ah u tirsanayso gardarro caddaan ah oo ay ku soo qaadday beesha  Biciide ee ay haatan is hayaan, iyagoo carrabka ku adkeeyey in Dagaalka iyo dhimashada beeshaas loo geystay aanay ahayn wax si yar oo shuruud la’aan ah looga qanci karo, taasina ay u baahan tahay intaan nabad la qaadan in si hoose loo eego qaabka beesha wax loogu geystay.

Wasiir cali oo dhib badani ka soo gaadhay sidii uu arrintaas xal waara uga keeni lahaa, ayaa la sheegayaa inuu uga garaabay Beesha sacad yoonis waxyaabaha tabashada ah ee ay qabaan, isagoo ku boorriyey inay dhib kasta oo ay qabaan ku ilaawaan qiimaha Nabadda iyo wada noolaanshaha ay Somaliland caanka ku tahay.

Wararka ayaa sheegay in faaqidaad iyo wada hadal dheer ka dib ay badiba beesha Sacad yoonis wasiirka ka ballan qaadday  inay kala shaqayso sidii loo dhamayn lahaa xurgufta meesha taalla, islamarkaana loo soo celin lahaa jawigii walaalnimo ee labada beelood hore u dhex oolli jirey.

Sidoo kale waxa ay  wararka aanu helaynaa intaas ku dareen inay beeshu aqbashay  inay keenaan maanta 25-xubnood oo wax garad ah oo la dhaarin doono si loo deder geliyo hannaanka nabadeed ee goobta laga wado, taas oo muddo dheer laga dhursugayey sidii loo heli lahaa ciddii labda beelood laga dhaarin lahaa.

Maanta oo Isniin ah ayaa waxa laga sugayaa labada dhinac ee dirirtu dhex martay inay keenaan tiradii dhaaran lahayd, halkaas oo bar-bilow u noqon doonta heshiis nabadeed oo dhidibbo adag lagu taago oo labada Beelood ee Walaalaha ah la dhex dhigo.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (Timo)

Hargeysa/Somaliland

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

 

Comments are closed