10-Xaqiiqo oo ku saabsan Cali Khaliif Galaydh, Balse Aanay Dad Badani Ogayn
Warqad furan oo ku socota Professor Cali Khalif Galleyr.
Waayahaan dambe waxaa gayiga Soomaaliyeed saabtay, qaylo-dhaan sheegaysa in Cali Khalif Galleyr noqday siyaasi aan qumanayn.
Amar Ilaahay, waxaa Alle igu soo duwey, inaan siyaasiinta haragga weyn ee sumcaddoodii qatarta ku jirto u bidhaamiyo sidii ay shartooda u badbaadin lahaayeen. Qoraalkaanuna arrintaas ayuu ku wajahan yahay.
WAXAAN AAN HOOS KU QORAYAA, WAA WIXII AAN DADKA KA WARIYEY.
Markii eedeynta ku wajahan prof. Galleyr badatay, ayaan baaritaan bilaabay, waxaana la ii sheegay dhacdooyinkaan sil-siladda ah:-
1. Professor-ku wuxuu darajada wasiirnimo ka gaaray dawladdii Millitariga ahayd. Wuxuu noqday wasiirka warshadaha. Maxaa nasiibku siiyey inuu maamulo dhismihii warshaddii sonkorta ee Mareeray. Dawlad ka mid ah dawladaha carbeed ayaa lacag aad u badan Soomaaliya ugu deeqday, waxaana lacagtaas loogu talogalay in lagu dhiso warshad soo saarta sonkor ku filan dadka ku nool giyiga Soomaalidu degto. Saddex meelood laba lacagtaas ka mid ahu gacaan Cali sooma dhaafin, meeshii kalana warshaddaa lagu dhisay.
2. Arrintaasu, waxay irdho dhex-dhigtay madaxweynihii waqtigaas M.S.Barre iyo Gallayr. Waxaa Cali ku hagoogtay Axmed Soleebaan Dafle oo ay ina Galleyr qaraabo ahaayeen dawladdana tikho weyn ku lahaa.
3. Colaaddii waa qabowday mase dhammaan. Calina wuxuu hubsaday inuusan dhacdadaas ku badbaadeyn, wuxuuna la mid noqday, ninkii Masaajidka wasaqeeyey ee markii la canaantay ka sii daray. Wuxuu kormeer ku tagey warshadda Mareerey, wuxuu fadhiyey dhowr toddobaad, intaas wuxuu iibinaayey Sonkortii Warshadda, markuu dhowr xashimood lacag ka soo buuxsaday, ayuu baabuur ku soo xammaashey oo Kismaayo la soo galay Wuxuu lacagtii ku qarsaday guriga korneyl Shariif oo markaas ahaa Taliyaha nabad Sugidda ee Gobolka J/ Hoose.
4. Dayaarad yar ayaa Nairoobi laga soo ijaaray waxaana dadka loo sheegay in wasiirku dayaaraddaan Mareerey ugu duulayo, laakiin markii ay Kiinyo Afka saartay ayaa la dalbay laba dayaaradood oo miig ah oo soo qabta. Haddiiba xuddudkey gashay. Intuu jidka ku jiray ayuu farriin u soo diray Siyaad oo ku yidh:- anigu xukunkaaga nacay oo kaa fakaday naagtii ciddiina ahaydna furay. Maxaa yeelay, waxaa la yidh:-KAB IYO XAARKEEDA WAA LAYSA TUURAA.
5. Professorku wuxuu ka qaybgalay shirkii Burco ka dhacay oo Soomaalida lagu kala goynayey.
Labadaas dhacdaba lama dareensanayn. Tii hore waxay ku soo aadday waqti dawladdii jirtay lagu kacsan yahay, tii dambana waxay ku soo aadday waqti dadku wareersan yahay.
Cali Khaliif Galleyr wuxuu marlabaad nasiib u yeeshay inuu wasiirka kowaad ka noqdo dawladdii Carte lagu soo dhisay ee uu Dr. C/qaasin Salaad Xasan Madaxwaynaha ka ahaa, maxaase hee ka dhacay.
Cali wuxuu dawladdii uu madaxda ka ahaa marsiiyey meeshii uu marsiiyey lacagtii mareerey, wuxuuna ku qatimay maah-maahdii uu ku qatimay dawladnimadii hore.
Shacabka Qaarkiis baa Intaan ku Sifeeya Cali Khaliif.
1. Professorku wuxuu qiyaamay raggi uu burca wax kula dhistay taasoo ah arrin kale ee nuxurkiisa tilmaamaysa. (Ma markii horow qaldanaa mese markii dambuu qaladanaa?.
2. Ina Galleyr, waxaa cabasho xooggan ka sheeganaya, reer Taleex oo leh cidda Somaliland Lascaanood ku haysaa waa isaga iyo reerkooda oo isagu hormuud qaransoon u yahay.
3. Cali Khaliif, waxay dhawaan meel xun kala gaareen, reer Puntland oo uu aflagaaddo iyo abhin codheer ugu geystay.
4. Cali wuxuu ahaa mid ka mid ah, maskaxihii ka dambeeyey Mooshinkii ku dhisnaa hunguriga iyo hinaasaha ee lagu gil-gilay dawladda curdinka.
5. Wixii hore bikh! Cali Kh. Galleyr waxaa maradii ka dhacday, markuu cod dheer ku sheegay, in madaxweyne Xasan Sh. uu xiriir sokeeye la leeyahay Al-Shabab. Arrintaasu kuma koobna mucaaradad dawladeed, ee waxaay dhabarjab ku tahay, nabadaynta iyo horumarinta caalamku Soomaalida ugu yaboohay.
Adeer Cali, ha u qaadan inaan maqaalkaan kugu weeraray, taas baddalkeeda waan kuugu nasteexeeyey. Fadlan soo qor wixii arrimahaan been ka ah, si aan warbaahinta ugu gudbiyo.
Cali Yaasiin Gurbe
Caliyare200@hotmail.com