|

Budhcad-badeed Soomaaliyeed oo Markab ku Haysta Xeebaha Galmudug

Galkacyo:26-Aug-2013-(SDN)-Budhcad-badeedda Soomaali ayaa markab u Afduuban waxa ay ku haystaan xeebaha deegaannada maamulka Galmudug, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen ciidamada badda ee la dagaallanka budhcad badeedda u qaabilsan Midowga Yurub.

 

MV-Niham-3-300x168MV Naham 3 oo ah markab kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Oman, isla markaana ay la socdeen tiro aan la cayimin oo shaqaale ayay budhcad badeeddu afduubteen 26-kii bishii March ee sanadkii hore.

 

Sida lagu sheegay warbixinta, diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda ee Spain oo qayb ka ah howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalka budhcad badeedda ayaa markabka arkay, waxaanay sheegeen in 100 mile meel u jirta goobtii markii hore lagu haystay in la geeyay.

 

‘Rag hubaysan ayaa la arkay iyagoo saaran Naham 3, in kastoo la-haysteyaal aan lagu arkin agagaarka markabka.” ayaa lagu yidhi warbixinta ciidamada badda ee Midowga Yurub u qaabilsan la dagaallanka budhcad badeedda.

 

Saraakiisha ciidamadu waxay sheegeen inuu socdo wada hadal la doonayo in lagu badbaadiyo la haysteyaasha oo aan la aqoon meel lagu hayo.

 

Af-duubka maraakiibta ayaa sanadihii ugu dambeeyey ka yaraaday xeebaha soomaalida, waxana xeebahaas si aad ah u ilaaliya ciidamo caalami ah oo loogu talo galay inay ka hortagaan maraakiibta ganacsiga ee ay budhcad-badeeddu weerarrada ku hayaan.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed