Sweden: Dagaalada geeska Afrika oo salka ku haya Kheraadka Gobalka
Lund 25.Aug 2013 (SDN) Shirka wax looga qabanayo arima geesta Afriga fadhigiisa 12-aad ayaa shalay kuso gabagaboobay magaalada Lund ee Sweden Shirkan ayaa sanadka kasta lagu qabtaa iyadoo ay kasoo qeyb galaan aqoon yahanno ka kala socota Geeska Afrika iyo caalamka.
Hadaba waxa markasta gacan ka geysta Jaamacadda Lund iyo isla magaalaadasi,
sida uu sheegay Cabdullahi Maxmed Jamac in Shirkan oo sanadkan looga hadlayay Kheyraadka, Khilaafaadka iyo Nabadda Gobolka ,waxaana la isku raacay in dagaalada Geeska Afrika uu salka ku hayo Kheyraadka waxanu go’aansanay arimaha dagaalka ka dhasha kheyraadka la xaliyo si nabadeed iyadoo cidna lagu xadgudbeyn.
Mar sidoo kale la weydiiyey Abdullahi Jamac ajandaha sanadka waxa uu yahay in iskaashi dhaqaale uu dhex maray Geeska Afrika ,taasoo hurmar gaarsiin kara Shucuubta ku dhaqan geeska Afrika ,lana xoojiyo awoodda bulshada rayidka.
Wasaaradda arimaha dibadda Sweden ayaa shirkan Lunda ee arimaha Geeska Afrika ka sheegatay in ay ugu deeqday aduun lacageed oo gaaraya 300 OO Malyuun ay ugu deqeen Somaliya ,taaso wax looga qabanayo hurumarinta dalka Somaliya muddada Shansano ah ee soo socota.
Lund SDN.
contact@somalidiasporanews.com