Laba Dumar ah Oo Walaalo ah Oo Lagu dilay Deegaan Bacaadweyn
Galkacyo:25-Aug-2013-(SDN)-Guddoomiye-ku-xigeenka Degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug Cabdi Nuur Mire Guuleed ayaa xaqiijiyay in ruux hubaysani uu Habeenkii xalay laba haween oo walaalo ah oo ku dilay deegaankaasi.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ruuxa falkaasi geystay horeu dil uu u ugu geystay islamarkaana uu xidhnaa, iyadoo mar qudha uusoo baxsaday falkaasi kale ee naxdinta lehna geystay.
Labada Hablood oo walaalo ah ayaa la sheegay inay ilmo adeer ahaayeen ruuxa dilay, waxaana lagu kala magacaabi jirey Xaliimo Cali Xirsi iyo Xaawo Cali Xirsi.
Ruuxa dilkaasi geystay ayaa hadda la sheegay inuu ku xidhan yahay saldhiga deegaanka.
Falkan naxdinta leh ee ka dhacay Deegaankaas, ayaa ah mid ku cusub oo aan hore ugu dhicin aaggaas, waxana la wali aan laga warbixinin shaksigan dilka geystay inuu dumar ahaa iyo inuu rag ahaa, iyadoo sidoo kale la is weydiinayo qaabkii uu kaga soo baxay goobtii uu ku xidhnaa maadaama oo uu ahaa gacan ku dhiigle dil u xidhan.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com