Sunnada iga muuqata darteed ayaan ku waayay adeeg caafimaad
Meeshu waa goob caafimaad waa Dhaktar ka danbeeya Hosptialka wayn ee Hargeisa Waa goobtii markii la dhisaayey laysku qabsaday ee uu ku dhintay inankii Jamacada kasoo baxay ee uu dhalay ninka curyaanka ahi, boodhkeeda waxaa ku qoran “Maxamed Aadan Sheekh”
Waxaa lagu sheegay in ay joogaan dhaaktiir Ajaanib ah Runtiina indhaygu way qabteen tiraba 5 qof oo caddaan ah aan se u malaynaayey markaa in ay ahaayeen iyagu Adeegayaal caafimaad ,dadku waxay ugu jiraan Kuyuu Dheer dadka meesha joga waxay u badan yihiin Dad danyar ah , waa Goob loogu sheegay in caruurtooda loogu dawaynaayo Lacag la,aan , Dabcan way jiraan Caruur lagu dawaynaayo ama lagu shaybaadhaayo Lacag la,aan .
dadka wax Cards ama Numbers ah lama siinaayo waxaa loo sii daynayaa Hormo Hormo/(hormo waa marka xoolaha la waraabinaayo oo kalba qayb lasii daayo )
Bisha August waxay ahayd 19.2013 saacadu waa abaaro 6.30AM Waxaan ka midnoqday dadka kuyuuga ugalay bal in lay shaybaadho Gabadh yar oo 3 sano jirtay oo xanuunsanaysay dhakhaatiir horena aan soo mariyey oo runtii wali aan ALLAH Swt aanu u saamixin in ay caafimaad taam ah hesho .
Waxaa ila siday ilmaha yar Gabadh Xijaaban , Qudhayda way dhici kartaa in layga dheehan karaayey Astaan Wadaad.
Kadinka Askari nin ah ayaa taagan aan markaa u malaynaayey Askari in kasta oo aanu markaa xidhnayn Dirays hadana dadkii meesha joogay waxay ii sheegeen in uu askari ahaa .
In badan hadaanu taagnayn oo ay gaadhay xiligii nala sii dayn lahaa si aanu hore ugu galno xaruunta ayaa waxaa igu soo booday ninkii Waardiyaha ahaa waxaanu igu war galiyey in aan aniga Gudaha lay ogolayn kaliya ay gali karto oo qudha Gabadh ilmaha yar siddaa.
Wax yar hadaan dibada taagnaa aan se arkaayo Gabadhii aan la socday ee gudaha gashay oo marka shabag yari noo dhexeeyo ayaa iyadiina qoladii caddaanka hayd ee gudaha ku jiray ay eegeen runtiina arkeen in ay tahay Gabadh diinta islaamka sideeda u haysata iyaddiina wax amar lagu siiyey in ay xaruunta dibada uga baxdo ilmaha ay sidatana aan wax loo qabanayaa aanu jirin isla markaana lagu war galiyey in ay gaysato meesha ay dan mooddo ee aan ahayn halkan.
Iyada oo yaaban aan se wali bixin ayaa waxaa meeshii laga soo saaray laba dumar ah oo xijaaban oo caruur aad u dhibaataysan sita.
Nin aanu ku kulanay goobta lagu sugaayey galintaanka dhakhtarka oo dibada ah ayaa ii waramay waxaanu ii sheegay markii gabadhiisi ay gashay in amar lagu siiyey in ay iska badasho maryahan ay xidhantahay isla markaana ay xidhato maryo iyagu ay ugu talo galeen dadkan loo adeegaayo oo ah Dhajis yar oo ku dhagsan Qofka loo xidhaayo iyo khimaar madaxa oo qudha ah , sidaana ilmihii loogu dhigay Goobta.
Dhawr su,aalood aya markaa maskaxdayda kusoo noq-noqday , ma astaamaha islaamka ee idinka muuqda ayaa caruurtani adeeg caafimaad u wayday .
Ma dadka caruurta sita ayaa lays leeyey wax ayey fahmi oo wax kale ayaa meesha ku jira .
Ma danbi hore ayaad dhakhtarka ka gasheen oo faro ayaa idinka yaalay meesh .
Su,aalahan hoos ku xusaan waxaan u dhaafayaa Dadwaynaha islaamka ah iyo cid kasta oo caqli leh oo ka mid ah shucuubteenna.
Abdinour Carab
*\عبدالنور محمد عرب (abdinuur7@hotmail.com)