|

Ciidanka Ammaanka Somaliland Oo Shalay Goor Hore Gaadiidka Caasimadda Maraya Baadhitaanno ku Bilaabay

Hargeysa:25-Aug-2013-(SDN)-Ciidamada amaanka Somaliland ayaa  casarkii dheeraa ee shalay baadhitaano ku bilaabay gaadiidka maraya wadooyinka caasimada Magaalada Hargeysa, iyadoon si rasmi ah loo garanayn sababta keentay Baadhitaankan cusub.

 

ciidanka ammaanka Baadhitaanka Gaadiidka ayaa saamayn ku yeesha saxmada jidadka cidhiidhiga ah ee dayacan oo burbur badani ka muuqdo iyo gaadiidka oo inta badan waddooyinka magaalada gudeheedu xidhmaan,Maadaama uu jiro burbur Baahsan oo dariiqyadu qabaan.

 

Tallaabooyinkan  ciidanku ku hayaan Gaadiidka waddooyinka caasimadda isticmaalaya, ayaa inta badan dhici jirey xilliyada Habeenkii, waxase shalay ay bilaabeen goor hore oo aan hore looga baranin.

Baadhitaanadan oo lagu dhex arko caasimadda Hargeysa, ayaan shacabku arkin wax natiiho ah oo ka soo baxda, waxase kaliya lagu qabaa waxoogaa Hagar-daamo ah oo lagu hayo gaadiid markii hore la il darnaa Waddo xumo iyo cidhiidhi xad dhaaf ah oo caasimadda ka haysta.

Baadhintaankan xilliga aan hore loo arag bilaabmay, ayaa kusoo beegmaya  Habeen hore goor fiid ah Magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafadda Sinaay ee Koonfurta Caasimadda lagu dilay Nin u dhashay Koonfurta Somalia.

 

Warar  ku dhaw dhaw ciidamada Ammaanka ayaa sheegaya in dilka Ninkaa loo qabtay dhawr qof, kuwaas oo lala xidhiidhiyay dilkiisa, balse  taliska Ciidanku waxa uu saxaafadda u sheegayaa inay socdaan baadhitaano la xidhiidha dilka Marxuumkaa oo lagu magcaabi jiray Maxamed Sheekh Axmed Cabdullaahi, isla markaana maydkiisa la geeyay  Cusbitaalka Hargeysa.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed