Muqdisho:Hooyo Gabadh ay Dhayshay oo 8-jir ah Gawracday, Ka dibna Qarisay Maydkeedii
Muqdisho:25-Aug-2013-(SDN)-Hooyo degan degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa gowracday Gabadh 8-sano jir ah oo ay dhashay, iyadoo maydkeediina qarisay.
Arintan oo dhacday Isniintii lasoo dhaafay Toddobaadkii hore, ayaa la ogaaday Sabtidii shalay, kadib markii haweeney deris la ah hooyada gowracday gabadheeda ay booqatay, taasoo sheegtay in ay dareentay ur kasoo baxaya guriga.
Haweeneyda deriska la ah ee dareentay Urta badan ee ka soo baxaysa Guriga, ayaa sheegtay in hooyada gowracday gabadheedu ay dhimirka ka jiran tahay, halka warar kale ay sheegayaan in Masayr iyo hinaase dartii u gowracday gabadheeda 8 jirka ah.
Laba kale oo caruur ah oo ay dhashay ayaa xoog lagaga qaaday haweeneydan oo diiday inay dhiibto kadib markii laga cabsaday iney iyagana gowracdo, waxaana saacado kadib haweeneydan la wareegay ciidamada Booliska oo baadhis ku sameynaya sababta iyo xaqiiqada jirradeeda.
Dhacdadan naxdinta leh ee ka dhacday degmada C/casiis ayaa dad badan afka la qabsadeen markii ay maqleen, waana dhacdo xanuun badan oo hore loogu arkin Muqdisho iyo meelaha kale ee muslimku ku nool yahay midna.
Inta badan shacabka reer Muqdisho ayaa si aad ah ugu sheekaysanaya arrintan naxdinta iyo fajaca leh, waxana wali shacabka ka daadegi la’ sida ay hooyo soomaaliyeed oo naxariista iyo kalgacalka ay ilmaheeda u hayso la yaqaannaa ugu dhiirrato inay gacanteeda nafta kaga goyso ka dibna qariso maydkiisa.
\
Somalidiasporanews.com