Xaaladda waan-waaneed ee laga dhex wado Beelaha Deegaanka Oog Oo Gaabis ku Socota iyo Wararkii ugu dambeeyey
Oog: 25-Aug-2013-(SDN)-Wali waxa sii qulqulaya wufuudda Nabadda ka dhex wadda labada Beelood ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay Deegaanka Oog ee Gobolka Sanaag, iyadoon wali la gaadhin wax heshiis ah oo rasmi ah.
Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey ee Shabakadda Qurjejoog ka helayo xaaladda Deegaankaas, ma jiraan wax heshiis oo rasmi ah oo la dhex dhigay labada Beelood, waxana wali aan guul laga gaadhin dhinac ka mid ah labada beelood oo ka gaws adaygaysa inay turxaan la’aan Arrinteeda Golaha u keento.
Waftiga oo aan ilaa iyo intii ay goobta joogeen hawli ku yarayn, ayaa wali la kulmaya caqabad aanay ka gudbin, waxana ay maalmahan ugu dambeeyey ku hawllan yihiin sidii loo heli lahaa cidii labada dhinacba laga dhaarin lahaa, taas oo aanay wali ku guulaysan.
Iyadoo ay sii badatay tirada waftiga goobta gaadhaya, oo ay salaadiin badan iyo xubno xukuumaddda ka socdaaba Goobta Buux-dhaafiyeen, ayaa haddana hawshu ay ku socotaa xawaare aad u gaaban, waxase la qabaa rajo ah inay hawshu mar uun dhamaan doonto.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Shalay galabnimadii la magacaabay Guddi ka kooban Salaadiin iyo wax-garad reer Somaliland ah oo loo kala diray labada dhinac si ay dhinac walba uga keenaan 51-xubnood oo la dhaariyo si xaaladda looga dhigo mid ku socota dariiqii nabadda lagu gaadhi lahaa, islamarkaana meesha looga saaro warwarka ah inay xaaladdu mar uun faraha ka bixi karto.
Guddidan ayaa laga yaabaa inay ilaa iyo maanta soo xulaan xubnahaas la dhaarinayo, waxana dhaarta ka dib arrinta loo duduuci doonaa sidii heshiis rasmi ah xaaladda loogu dhamayn lahaa, taas oo aan fududayn una baahan wakhti dheer iyo dedaal farabadan.
Dhinaca xaaladda Guud ee Goobta dagaalku ka dhacay, wali waxa arrinta Gacanta ku haya ciidanka Amaanka iyo kuwa qaranka oo si weyn isugu xilsaaray inay xaaladda dejiyaan, waxana goobta ka muuqata jawi degenaannsho ah.
Xubnaha ka socda dhinaca xukuumadda ayaa arrinta gacanta ka geliyey salaadiinta iyo wax-garadka xagga dhaqanka ka socda, maadaama arrimahan oo kale u baahan yihiin in dadka dhaqanka ku xeel dheeri aad u u axadhaan oo lafo-gur badan ku sameeyaan si aan mustaqbalka dambe waxba uga soo noqonin.
Xaaladda ka taagan deegaanka ayaa u muuqata mid daba dheeraatay oo waxoogaa xalkeedu adkaaday, waxana taas ugu wacan sida la sheegayo Beelaha is dilay oo midkood aanay xiiso badan u qabin in nabad degdeg ah wax lagu dhameeyo.
Waftiga xukuumadda oo haatan wixii ka dambeeya fudaydiya-yaal ka noqon doona tallaabooyinka dambe ee la qaadi doono, ayaa si aad ah u danaynaya in xaaladda la soo gebogebeeyo, waxana ay labada dhinacba ka codsanayaan inay muujiyaan tanaasulaad badan oo dheeri ah si arrinta loo gebogebeeyo oo aanay wakhti badan u qaadan.
Sansaanka Guud ee Madasha ka muuqda ayaa ah mid muujinaya in dhamaanba dadka Goobta iskugu yimi ay u heellan yihiin in labada beelood ee walaalaha ah arrintooda degdeg loo dhameeyo maadaama Somaliland ku caano maashay nabadda iyo degenaanshaha, arrintanina ay caqabad ku tahay horumarkii iyo geedi-socodkii toolmoonaa ee shacabku ku hammiyayeen.
Somalidiasporanews.com