|

200 oo Muhaajiriin ah oo Talyaaniga badbaadiyay

Lampedusa 24.Aug 2013 (SDN) Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa maanta badbaadiyay in ka badan 200 oo muhaajiriin Soomaali u badan ah, kuwaas oo saarnaa doonyo baco ka sameysan, sida ay ku warramayeso wakaaladda wararka AFP.

Boqol, lix iyo toban oo Soomaali u badan ayaa la sheegay inay ciidamada badda Talyaaniga ku arkeen meel u dhow jasiiradda Lampedusa.

Boqol kale oo muhaajiriinta ah ayaa waxaa qabtay Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan koontaroolka xudduudaha, waxaanay ku wareejiyeen cidamada ilaalada dekedda Sicilly.

In ka badan kun muhaajiriin ah oo ka gudbay badda Mediterranean-ka ee Waqooyiga Afrika ayaa la sheegay inay toddobaadkan uun galeen dalka Talyaaniga.

Badankood muhaajiriinta oo ah dhaqaale doon iyo qaxooti ka cararaya dhibaato nolol xumo ayaa waxay ka soo galeen Talyaaniga dalka Libya. Libya waxay 300 kilo mitir u jirtaa jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Xilliga jawiga deggan ee badda Mediterranean-ka ayaa la rumeysan yahay inuu kordhiyay socodka muhaajiriinta ee dalka Talyaaniga galaya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga wuxuu goor sii horreysay sheegay in 24,277 oo muhaajiriin ah ay Talyaaniga soo gaareen muddo 12 bil ah gudaheed.

Lampedusa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed