|

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Sida Wargayska Hubaal Xayiraada looga qaaday,Tilmaamayna inaan laga Maarmayn Xeer Cusub oo Saxaafadeed {DHAGAYSO}

Hargaysa 24.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka ee JSL Md cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta ka furay magaalada Hargaysa shirweynaha afraad ee mac-hadka cilmi baadhista iyo horumarinta ee SORADO, kaasoo lagaga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha soo waajaha saxaafadda.

CukuseWasiirka wasaaradda warfaafinta oo hadal halkaa ka jeediyey ayaa bahda saxaafadda ku boorriyey in la dhowro shuruucda saxaafadda, lana ilaaliyo doorka ay saxaafaddu ku leedahay adkaynta qaranimada, xilli uu cadeeyey in saxaafadda Somaliland ay haysato xoriyad balaadhan, caqabadaha ka hor imanayana ay kala siman tahay qaybaha kale bulshada.

Md Cukuse waxa uu tilmaamay inay xukuumad ahaan soo dhoweynayaan in la helo xeer saxaafadeed oo u dhexeeya Xukuumadda iyo saxaafadda dalka.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalkii Wasiirka Warfaafinta
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CukuseSooradi.mp3″]

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed