Shirkad biyo gelin ah oo laga furay Kismaayo
Kismaayo 24.Aug 2013 (SDN)-Shirkad biyo gelin ah oo lagu magacaabo Kismayo Water Supply ayaa laga furay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Xafladda furitaanka shirkadda waxaa ka qeyb-galay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, maamulka shirkadda cusub iyo marti sharaf badan.
Guddoomiyaha shirkadda Kismayo Water Supply, Shaafi Raafi Kaahin ayaa xafladda ka sheegay in shirkaddu ay biyo nadiif ah ka iibin doonto dadweynaha ku dhaqan magaalada.
Shaafi wuxuu sheegay inay fureen shirkadda kaddib markii ay ogaadeen in magaalada ay ka jirto baahi dhinaca helitaanka biyo nadiif ah.
Wuxuu sheegay in hindisaha shirkadda uu ka yimid ganacsato ka soo jeeda deegaanka oo doonaya inay ka qeyb-qaataan horumarka gobolka.
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa xafladda ka sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka shirkadda cusub ee biyaha qaabilsan, wuxuuna ku boorriyay maamulka shirkadda inuu si hufan ugu adeego bulshada.
Qaar ka mid ah dadweynaha Kismaayo ayaa soo dhoweeyay shirkadda cusub, iyagoo sheegay inay qabaan baahi la xiriirta helitaanka biyo nadiif ah oo macaan.
Kismaayo SDN.