|

Daahfurka Mashruuca Kobcinta Waxbarashada Hablaha oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 24.Aug 2013 (SDN)- Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta iyo Maaliyada ayaa maanta ka qayb galay Kulan lagu daahfurayay Mashruuca Kobcinta Waxbarashada Hablaha oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa .

Mashruucan oo ay Maalgalisay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Dawlada Ingiriiska ,Waxaa Fulintiisa iska kaashanaya Wasaaradaha Waxbarashada, iyo Hay’adaha ay hormoodka ka tahay Care international, oo ay soo raacaan Hay’adaha Wadaniga ah ee  Adra, Candlelight, Havayoko, iyo Dalada Nagaad.

Cabdi laahi Yuusuf oo ah Madaxa Hay’ada Care International oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay Mashruucan iyo faa’iidooyinkiisa Waxaanu Xusay inuu barnaamijkani ka hawlgalayo dhamaan Gobolada Bari ee Somaliland  ,kaas oo socon doona Mudo sadex sanno ah kuna bixi doonto adduun dhan 7 Million oo dollar.

Mar uu ka hadlayay Ujeedada Mashruuca ayaa waxa uu sheegay inuu kor u qaadayo waxbarashada hablaha kana faa’iidaysanayaan Sideed Kun oo Hablood iyo abuurida dugsiyo hoose iyo kuwa sare oo laga hirgaliyo meelaha ay ka jiraan baahiyaha waxbarasho.

Cabdi laahi Yuusuf Madaxa Care waxaa kale oo uu tilmaan ka bixiyay waxqabadyada hay’adooda ee Somaliland  .

laba wasWasiirada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Xaaji Cali Shire iyo Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Hay’ada Care waxaa kale oo ay tilmaameen Kaalinta ay haweenku bulshada kaga jiraan iyo baahida loo qabo in la dhiso aqoontooda.

Wasiiradu waxay Sheegeen in Xukuumada ay ka tirsan yihiin ay mar walba dhiirigelinayso Sidii loo tayayn lahaa waxbarashada haweenka .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Maxamed Xasan

Hargaysa SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed