Dib-u-dhis ka socda Xarumaha Dawladda Somaliland iyo Guddida Joogtada Golaha Guurtida oo Kormeer ku soo maray+ Sawirro
Hargeysa:24-Aug-2013-(SDN)-Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maalintii shalay kormeer ku soo maray badiba Dhismayaasha cusub ee xukuumaddu u hirgelisay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dalka.
Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhkka ah ee Guddida Joogtada ah Xildh. Cabdiraxmaan Cismaan Xasan(shaadh) ayaa hogaaminayey Guddi saddex xubnood ka koobnayd oo Kormeerkaas samaysay.
Dhismayaasha Guddidani kormeerka ku soo samaysay oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 16-Hay’adood oo dhammaantood wada cusub, ayaa ay ku soo arkeen dhismayaal bilic leh oo indhaha soo jiidanaya, kuwaas oo Guddidu ku macneeyeen horumar ballaadhan oo la taaban karo.
Wasaaradaha ay soo mareen waxa ka mid ah, Xannaanada xoolaha, arrimaha Dibadda, arrimaha Gudaha, Gaashaan-dhigga, kalluumaysiga, waxbarashada, Deegaanka, caddaaladda, Beeraha, Hawlaha Guud, ciyaaraha, xisaabaadka Guud, Isgaadhsiinta, dib-u-dejinta iyo xarumo kale oo aad u tiro badan oo dhamaantood la casriyeeyey.
Ku-ximaha Guddoomiyaha Guddidan xildh. Shaadh oo ka hadlay kormeerkaas ay samaynayaan, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlahan shaqo ee ay ku wadaan xarumaha la dhisay oo uu sheegay inay muujinayaan sida ay xukuumadda Madaxweeyne Siilaanayo ugu go’antahay inay dhaxal la taaban karo oo taariikhda gala ka tagto, isagoo ku ammaanay xukuumadda dhismayaasha bilicda leh ee ay samaysay.
Sidoo kale waxa uu xildhibaan shaadh xukuumadda ku ammaanay dhismayaasha ay dalka ka hirgelisay isagoo ku dhiirrigeliyey inay halkaas ka sii waddo sidii ay dhamaanba Hay’adaha dawladda ugu dhisi lahayd hoy Cusub oo ka duwan kii hore ee ay ku jiri jireen.
Xildhibaan Maxamed Shire Faarax iyo Xog-hayaha Guddida joogtada joogtada ah Cabdinaasir Aadan Beegsi oo iyaguna kormeerkaas ku wehelinayey Guddoomiye Shaadh ayaa si aad ah uga mabsuuday sida loo qurxiyey ee kor loogu qaaday bilicda dhismayaasha xarumaha Hay’adaha dawladda Somaliland, waxana ay tallaabadaas ku ammaaneen xukuumadda Somaliland.
Somalidiasporanews.com
Hargeysa/Somaliland
Axmed Cumar Axmed