Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo ka hadlay Shaqaaqadii deegaanka God Heeli {DHAGAYSO}
Hargaysa 24.Aug 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa fadhigii maanta Golaha wakiilada waxa uu tacsi ugu diray eheladii ay ka dhinteen dadkii naftooda ku waayey shaqaaqadii ka dhacday deegnka God-Heeli ee bariga Somaliland iyo Qoyskii uu ka baxay Suldan Barre warsame Shire oo ku naf waayay kadib markii uu qaaday Dooxa dacar-budhuq xilli uu ku sii socday deegankasi shaqaaqadu ka dhacday ee god heeli.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxaa kale oo uu baaq nabadeed u diray labada Ardaa ee dhibaatadu ku dhexmartay deegankaasi, oo uu ka dalbaday inay u dhego nuglaadaan ergooyinka madax-dhaqameedka ah iyo weftiga xukuumadda ee dhexdhexaadinta ka dhex wada.
Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato hadalka Gudoomiye Cirro
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/BaaqaCirro24.mp3″]
Hargaysa SDN.