Golaha Wakiilada oo ansixiyay Ajandaha Kalfadhigooda 22aad iyo Baaq ay u direen Beelihii Gacan ka hadalku ku dhexmaray Deegaanka God Heeli
Hargaysa 24.Aug 2013 (SDN) -Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha Golhasi Md cabdiraxman Maxamed Cabdilahi ( Cirro) ayaa mudanayaashu waxay ansixiyeen ajendaha kalfdhiga 22-ad ee Golaha.
Dood Xildhibaanadu ay ka yeesheen kalfadhiga ayaa keentay in qodobda qaarkood laga saaro, kuwo kalena lagu daro, sida xeerka dib u habaynta shuruucda dalka oo golah loogu soo gudbiyey xeer madaxweyne iyo xeerka doorshada golaha wakiilada, iyo xeerka golaha guurtida ayaa loo saaray gudiyo gaar ah oo ku shaqo leh, waxana golaha lagu soo daray xeerka xog ogal u noqoshada xaalada dalka.
Mudanayaasha fadhiga maanta soo xaadiray oo dhammaa 45 xildhibaan ayaa cod u qaaday ansixinta ajandaha kalfdahiga 22-aad ee Golaha, waxana ogolaaday 40 mudane, waxaa diiday 3 mudane, waxa ka aamusay 1 Xildhibaan, Gudoomiyuhuna ma codayn sidaana waxa ku ansaxay ajendaha kalfadhiga 22-aad ee golaha weakiilada Somaliuland
Dhanka kalena Golaha wakiiladu waxay cod wada jir ah tacsi ugu direen eheladii ay ka dhinteen dadkii naftooda ku waayey shaqaaqadii ka dhacday deegnka God-Heeli ee bariga Somaliland iyo eheladii Suldan Barre warsame Shire oo uu qaaday Dooxa dacar-budhuq xilli uu ku sii socday deegankasi shaqaaqadu ka dhacday ee god heeli.
Mudanayasha golh wakiiladu waxay kaloo si wada jir ah baaq nabadeed ugu direen labada Ardaa ee dhibaatadu ku dhexmartay deegankaasi, waxayna ka dalbadeen inay u dhego nuglaadaan ergooyinka madax-dhaqameedka ah iyo weftiga xukuumadda ee dhexdhexaadinta ka dhex wada.
Hargaysa SDN.