Faahfaahinta Dil Magaalada Muqdisho Loogu gaystay Nabad-doon Caan ahaa
Muqdissho:-24-Aug-2013-(SDN)-Waxa Isa soo taraya wararka la xidhiidha Dilka Allah ha u naxariistee Ammiin Cali Muumin oo Habeenkii Xalay rag Hubaysani ku khaarajiyeeen Degmada Dharkeynlay ee Gobolka Banaadir.
Oday dhaqameedkan la dilay ayaa kamid ahaa waxgaradkii soo xulay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya isla markaana ansixiyay Dastuurka haatan dowladdu ku shaqeyso oo muddo dheer hadalkiisu taagnaa.
Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in dilka Alla ha unaxariistee Nabadoon Amiin Cali Muumin ay gaysteen kooxo bastoolado ku hybaysan oo aan haybtooda la aqoonini.
“Dilka waxaa uu ka dhacay degmada Dharkeenley gaar ahaan goob lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku taalla xaafadda Asallaam” ayuu sheegay ruux goob jooge ahaa oo la hadlay qaar ka mid ah saxaafadd.
“waxaa lagu rasaaseeyay gaadjigiisa, laakiin isagoo dhaawac ah ayaa la geeyay isbitaalka halkaas oo uu ku dhintay” ayuu hadalkiisa raaciyay goob joogahaasi.
Saraakiil katirsan ciidamada amaanka Dharkeenley ayaa sheegay in Marxuumka ladilay uu sidoo kale ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Olombikada degmadda Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho.
Lama oga cidii ka danbaysay dilkan, ciidamada amaanka ayaana sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka danbeeyay dilka Oday dhaqameedkaas, iyadoo ay maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayaan dilalka loo geysanayo dadka waxgaradka ah ee soomaalida ah, waxana inta badan dhacda inaan gacanta lagu dhigin gacan-ku-dhiiglayaasha dhagarta maleegaya.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com