Askari Mareykan ah oo laayay shicib reer Afgaan ah oo xabsi daaim lagu xukumay
Washington Aug 24,2013(SDN)-Askari Mareykan ah oo dad shicib ah ku laayay tuulo ku taal dalka Afgaanistaan sanad ka hor ayaa maxkamad ku taal Mareykanka ay ku riday xukun xabsi daaim ah.
Sgt Robert Bales oo 40 jir ah ayaa qirtay xasuuqaas si uu uga bedbaado xukun dil ah oo ku dhici lahaa.
“Waxaanu dooneynay in ninkan dil lagu xukumo,sababtaas ayaanu uga nimi Afgaanistaan,balse cadaaladaanu dooneynay maanu heline waxaanu helay cadaalad Mareykankan”sidaa waxa yiri Maxamed Wezir oo 11 ruux oo ka mid ah qoyskiisa uu askarigani dilay.
Weerarkan oo dhacay sanadkii hore ayaa ah kii ugu xmaa ee ka dhaca dalka Afgaanistaan intii ay ciidamada reer Galbeedku halkaa tageen.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com