|

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalia Fawsiya Yuusuf oo Si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Chine iyo Nuxurka Safarkeeda

Shanghai 23.Aug 2013 (SDN)-Ra,iisul wasaaraha ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso  ayaa gaaray magaalada Shangahai ee caasimada dhaqaalaha dalka shiinaha.

fowz2Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan waxaa  garoonka diyaaradaha ee Shangahia ku soo dhaweeyay madax sar sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda Shiinaha iyo Danjiraha Soomaaliya ee dhulweynaha Shiinaha Amb Yuusuf Dheeg.

Wafdiga ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa mudo todobaad ah ku sugnaan doona dalka shiinaha waxeyna la kulmi doonta maalmaha Axada iyo Isniinta Madax sar sare oo ka tirsan dalka shiinaha sida Raisul wasaare ku xigeenka, Madaxwaynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibeda ee shiinaha.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa kala hadli doonta madaxda shiinaha sidii ay uga qeyb gali lahaayeen dib u dhiska soomaaliya iyo sidii ay u soo celin lahaayeen mashaariicdii horumarinta oo ay ka wadeen Soomaaliya burburkii ka hor.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka,wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud,guriyaynta iyo tamarta diplomaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda soomaaliya iyo xubno ka mid shaqaalaha xafiiska raisul wasaareku xigeenka.

fowz4Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa madaxda Shiinaha u gudbin doonta dhanbaal ay ka wado madaxwaynaha Soomaaliya oo ku saabsan sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay wax wada qeybsi iyo iskaashi dhex mara labada dal,waxaa kale oo ay raisul wasaare ku xigeenku booqan doonta shirkado gacansi iyo qaab dhismeedka magaalooyinka waaweyn ee dalka shiinaha si Soomaaliya ay fikrad uga qaadato.

fowz5Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku sii hakatay dalka magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar waxana ay halkaasi kula kulantay madax sar sare oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibeda dalkaasi oo ay kala hadashay sidii ay dowlada Qatar u laba laabi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya,

Madaxda Qatar ayaa raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ku amaanay horumarnka ay xukuumada Soomaaliya gaartay mudadii koobnayd oo ay jirtay.

Shanghai SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed