Ciyaartoyga Kubada Kolayga ee Jabuuti oo Socdaal ku Yimid Caasimada Hargaysa
Berbera 23.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ay Weheliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa maanta Gegida diyaaradaha ee Magaalada Berbera ku soo dhaweeyay Ciyaartoy Kubada Kolayga ah oo ka socda dalka Jabuuti ee lagu magacaabo Jabuti City.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Dhabeeye ayaa Sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka Kooxdan ka Socota Wadanka Jabuuti,Waxaanu xusay inay Ciyaaruhu qayb wax ku Ool ah ka qaataan is dhex galka Bulshada .
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaruhu waxa uu sheegay oo kale inay Kooxdan Kubada Kolayga ahi Mudada ay dalka Joogaan ay Kulamo Saaxiibtimo la yeelan doonaan Kooxaha Heerka Kowaad ee Kubada Kolayga ee Ka Dhisan Caasimada Hargaysa.
Waxaa kale oo halkasi ka hadlay Isu duwaha wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Saaxil iyo Qaar ka Mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera .
Sidoo kale Xubin u hadlaysay Kooxda Kubada Kolayga ee Jabuuti City ayaa dhiniciisa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay imaatinkooda Somaliland oo uu sheegay inay tahay dalkoodii labaad.
Berbera SDN.
contact@somalidiasporanews.com