“Waa In la Xoojiyaa Nabadgalyada Gobolka Shabeelada Hoose” Wasiirka Gaashaandhiga Fiqi
Wanla-Weyn 23.Aug 2013 (SDN)- Wasaaradda gaashaandhiga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u soo jeedisay maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika inay xoojiyaan ammaanka gobolka.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo wafdi uu hoggaaminayo uu maanta gaaray degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in maleeshiyada Al-Shabaab laga sifeeyo gobolka iyo guud ahaan dalka.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay guulo kasoo hoyeen sudigga amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Wafdiga wasiirka ee gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ku jira wasiir ku-xigeenkiisa, abaanduulaha iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Wanla-Weyn SDN.